Tuesday 23 June 2015

Xadiiska 8 kitabka arbacu nawaawi Wuxuu ka hadlayaa xurmada muslimka

Waxaa laga weriyay ibnu Cumar (Allaha ka raalli noqdee) inuu yiri Nebigu( s.c.w. ): ”Waxaa lay amray inaan dadka la jihaado ilaa ay ka qiraan midnimada Allah iyo inuu isaga keliya yahay ilaaha xaqa ah, wixii ka soo haraana ee la caabudo ay yihiin ilaahyo been iyo baadil loogu hoggaansan yahay ee aan xaq aheyn in laga hortagona ay waajib tahay. Waxaa sidoo kale nebiga la amray iyo ciddii rumeysayba in ay ku jihaadaan dadka ilaa ay ka qiraa nebinnimada Rasuulka llaahay, salaadda tukadaan, sakadana bixiyaan. Haddii ay sidaa yeelaan waxaa badbaadaya dhiiggooda, iyo maalkooda wixii aan ka aheyn xaqa islaamka, wixii intaa ka dheeraada llaahay baa ka xisaabaya.” [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Sideedaad Xadiiskani wuxuu inoo sheegay Saldhigyada lslaamka uqu waaweyn iyo in qofkii diida lala jihaadayo, dhiiggiisa iyo maalkiisuna in ay xalaal u yihiin imaamka Muslimiinta, ninkii intaa laga helose waa xaaraan in dhiiggiisa la dhadiyo iyo in xoolahiisa la dhaco. Xaqa islaamka waxaa looga jeedaa ku dhaqanka xeerka islaamka, sida bixinta xuquuqda lagu yeesho xoolahiisa iyo naftiisa ka dheeraanshaha dembiyada waaweyn iyo guud ahaan dhowridda sharciga. Qofka sidaa muuqata ugu dhaqma diinta islaamka haddii si hoos ahaan ah uu ku kaco waxyaalaha ku reeban diinta, Ilaahay baa la xisaabtami doona, innagu waxaan kula dhaqmeynaa sida inooga muuqata, haddiise uu muujiyo lslaamnimo hoosna ku qarsado gaalnimo ama munaafaqnimo innagu shaqo kuma lihin waxa u qarsoon waxaan ula dhaqmeynaa muslimnimo toosan. FAA’IIDADA XADIISKA In lala jihaado Cadowga Islaamka, ilaa a ay ka islaamaan, ama ay cahdi la galaan imaamka musiimka; Ninka ka taga salaadda ma diida sakada wuxuu la mid yahay gaalada cadawga u ah islaamka; In qofka muslimka dhiiggiisa iyo maalkiisaba ay xaaraan yihiin in lagu xadgudbo; Dhiigga qofka muslimka ah in la daadiyaa waa xaaraan, xoolihiisa in la dhacaana waa xaaraan; Qofka lslaamnimada muujinaaya waa laga aqbalayaa wixii u qarsoon llaahay baa loo tala saaranayaa.

Xadiiska 7 kitaabka arbacu nawaawi wuxuu ka hadlayaa waanada

Waxaa laga weriyay Abuu-Huqayya Tamiim ibn Aws ad-Daarii (Allaha ha ka raalli noqdee): ”In Nebigu (s.c.w.) yiri: Diintu waa waano, waxaannu niri ‘ayuu u yahay? Rasuulka Allow! Wuxuu yiri: wuxuu u yahay Allah iyo Kitaabkiisa, iyo Rasuulkiisa, iyo madaxda musl imiinta iyo dadweynahaba.” [Muslim] Sharaxa: Xadiiska Todobaad Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee waanadu ku leedahay Diinta lslaamka, Diintu waxay waano u tahay llaahay waxaa loola jeedaa: in la aqbalo waanadiisa uu dadka ugu yeeray, in la rumeeyo keli ahaantiisa, in lagu sheego wuxuu isagu isku tilmaamay, lagalana haro shirkiga ama wadaajinta cibaadada, xaqa Ilaahayna aan cid kale la siinnin, nicmaduu kuugu deeqay aan cid kale loo tiirin Wuxuu diinku waano u yahay Kitaabka Ilaahay: in la rumeeyo inuu yahay kitaab ka soo degay xagga Ilaahay, kaddibna la xurmeeyo laguna camal falo. Wuxuu diinku waano ugu yahay Nebiga( s,c.w.) in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii llaahay u soo diray dadka lana rumeeyo wuxuu sheego oo dhan, lana raaco awaamiirta uu faro, lagana dheeraado wuxuu reebo. Madaxda Muslimka wuxuu diinku waano ugu yahay waa in xaqa loogu gargaaro wixii gefaf ama qallooc ah lagu baraarujiyo amarrada ay soo saaraan oo ay dadka ugu daneynayaan, shareecadana waafaqsan in la fuliyo, inaan loo baarin ceebo, inaan laga faafin dacaayad dadka nacsiisa iyo in lagu gacansiiyo mashaariicda lagu hormarinayo danaha ummadda iyo inaan ammaan been-been ah iyo munaafaqnimo lala hoos roorin. Dadweynaha wuxuu waano ugu yahay in lagu hunuuniyo xaqa in wax la baro, kuwa qalloocan in looga digo xumaanta, kuwa jaahilka ah wax la baro iwm.. Marka diinkuba wuxuu ku hirgeli karo waa waano iyo wax isu sheeg. FAA’IIDADA XADIISKA Wuxuu natusayaa in waanadu qiimo weyn ku leedahay Diinta Islaamka, Waanada llaahay waa in la aqbalo wuxuu ummaddiisa ku waaniyay, Waanada Rassulka waa in la rumeeyo lana raaco jidka uu inoo jideeyay, Waanada kitaabka waa in lagu camalfalo, Waanada Madaxda waa in lagu caawiyo fulinta xaqa, Waanada dadweynaha waa in la hanuuniyaa. 

Xafiiska 6kitaabka arbacu nawaawi

Waxaa laga weriyay Abuu-Cabdulaahi an-Nucmaan ibn Bashiir (Allaha ka raalli noqdee), ”Inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii Allah( s.c-w) oo leh: Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna ku caddeyn, dadka badankiisuna ka warqabin, marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jiro waxaa u badbaaday diintiisa iyo sharafkiisa, ninkii arrimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foofiyay meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhacaan oo ay daaqaan. Hooyaay! ogaada in Boqor kasta leeyahay seero ama xirmooyin, seeraha llaahayna waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay! Ogaada in jirka ay ku iirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, haddii ay xumaato jirkoo dhan baan xumaanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.” [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Lixaad Xadiiskani waa saldhigga cilmiga fiqiga ee lagu geexay xalaashai yo xaaraanta, w axaanu xadiisku inoogu qaybiyey waxyaalaha innaga hor imaanaya ‘inaaney ka baxsaneyn saddexx aalo midkood. Wax lagu caddeeyay xaaraannimadiisa. Waxa la caddeeyay xalaalnimadiisa. Waxa l aga shakiyay in uu xalaal yahay iyo inuu xaaraan yahay. Marka labada’ hore muran kama joogo, waxaase xadiisku tilmaamay wixi laga yeeli lahaa xaaladda seddexaad, waxaanu amray in laga dheeraado shubhaada intii lagu dhici lahaa xaaraanta. Wuxuu ku matalay shubhada nin xoolo u foofiyay beero soohdintood, wuxuu halis u yahay in xooolihiisu beeraha u dhacaan oo ay daaqaan, halkaana waxa ka dhacaya in ninkii beertiisa la daaqay dagaal ku qaado ninka xoolaha la jiray, marka si dagaalka looga nabadgalo waa in xoolaha laga dheereeyo soohdinta beeraha. Haddaba, beerta llaahay waa waxa uu xaaraantinnimeeyey, ninkii beertaa u dhacaana waa inuu isu diyaariyo dagaalka llaahay. Waxaa kaloo xadiisku sheegay in qofka gudihi isa laga hoggaamiyo, haddii, qofka hoggaaankiisa guduhu toosnaado, qofkuna waa toosayaa’ haddii hoggaanka guduhu qalloocdo qofkuna waa qalloocanayaa. Haddaba, hoggaanka guduhu muxuu yahay? Hoggaanka guduhu waa Qalbiga. Marka waa inuu qofku ku dadaalo siduu qalbigiisa uga dhigi ‘lahaa mid saafi ah oo toosan. FAA’IIDADA XADIISKA Kala soocidda xalaasha, xaaraanta iyo shubahada, ln shubahada laga dheeraado si looga nabadgalo xaaraanta, ln qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka, calool ku-haynta i.w.m.

Xadiiska 5 kkitaabka arbacu nawaawi qeeybta bidcada

Waxaa laga weriyay hooyadii Mu’miniinta Umm CabdullaahC aa’isha (Allah ha ka raalli noqdee): ”Inay tiri: wuxuu yiri Rasuulkii Allah (s.c.w.): Qofkii amarkayagan ku soo dara waxaa an ka mid ahayn isaga lagu celinayaa.” [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Shannaad Xadiiskani wuxuu caddeynayaa qofkii ka leexda Jidkii Alle iyo Rasuulku jideeyeen inuu baadi yahay Xadiiskan waa udubbada ugu waaweyn ee Islaamka, wuxuu ka digayaa in Diinta lagu soo daro wax aan ka mid ahayn, ama laga naaqusiyo, ama la beddelo ama la qalloociyo. Sababtoo ah Diinta Islaamku wey dhammeystirantahay oo Ilaahaybaaabyay, marka qofkii wax ku soo daraya ama ka naaqusinaya wuxuu ka dhigan yahay gof leh anigaa llaahay ka aqoon badan oo waxaanu sheegin baan Diinta ku darayaa, ama wuxuu sheegay baan ka goynayaa. Waxyaalaha laga digaayo in diinta lagu soo darriyo ama laga naaqusiyo ma aha oo keliya cibaadada ee waa farac kasta oo ka mid ah Diinta lslaamka sida macaamilaadka Nikaaxa, Usluubta, Anshaxa, Xiriirka Bulshada, xuquuqdooda iwm. Haddaba, qofka muslimka ah ee ku camal fala masalo aan sharciga ku dhisneyna baalkiisu waa in camalki isu buro oon laga ajar-siin, weliba waxaa la arkaa inuu ku dambaabo ama diintaba kaga baxo falalka qaarkood. Haddaba waxaa waajib ku ah qof kastao o muslim ah inuu hubsado in camalkiisu sharciga waafagsan yahay iyo in kale. Waxaana jira miisaan lagu qiyaaso camalka oo ah sida uu Nebigu( s.c.w) iyo asxaabtiisu ugu camalfali jireen mas’alada hortaalla. Waxaad heleysaa jawaab saxiix ah oo laga soo weriyay Nebigi iyo Asxaabtiisii, Haddaba, waa in laga digtoonaado bidcada iyo sheekada ku-tiri-ku-teenka ah ee loo ekeysiinayo diinta laguna khawiyeysiinayo dadka ma-kastada ah ama aqoonta gaaban xagga diinta. FAA’IIDADA XADIISKA Mas’ala kasta oon sharciga ku fadhin waa baadinnimo; In laga digtoonaadob idcada; In qofkuf alki isak u mi isaamos harcigais laamka; Inla barto diinta si loo kala saaro bidcada iyo sunnada; In diintu dadka ku filan tahay oo laga deeqtoon yahay bidcada.

Xadiiska 4 kitaabka arbacu nawaawi

Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaahi ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee): ”Waxaa noo xadisay Rasuulkii Allah (scw) isagoo ah runle la rumeeye oo wuxu u yiri: Qof ka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood intaa in la’egna, wuxuu ahaanaya xinjir yar, intaa in la’egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar eray oo kala ah: Inuu qoro Arsaaqadiisa, Cimrigiisa, Shaqadiisa ama Camalkiisa Iyo in uu yahay Shaqaabad ama Saciid. Waxaan ku dhaartay Allaha aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee; qofku wuxuu falayaa camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray Naarta, Wuxuu falayaa camalka reer-naareedka, markaasuu gelayaa Naarta. Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray Jannada wuxuu falayaa camalkad reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa Jannada.” [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Afaraad Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyada, muddo 120 beri ah ayey isu beddeleysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto la’eg. Marka ay bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha Aadannimada iyo suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi wuxuu ku kici doono shar iyo ‘khey” ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya malaggii Alla u xil saaray. Waxaa kale oo xadiiskani ina tusinayaa inaan Naarta iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la arkaa in qof ku gaal ama faasiq yahay, laakiin, marka geeridiisu soo dhowaato iska islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay. Haddaba waxaa ‘la gudboon qof waliba inuu ‘Illaahay baryo, ,inuu khaatimadiisa kheyr ka dhigo. FAA’IIDADA XADIISKA Xaaladaha kala duwan oo qofku ku marayo uurka hooyadi. llaa 4 bif ood laga gaaro inaan qofka lagu abuurin ruuxda Aadannimada. Kheyrka iyo shartu sidey isugu dhow yihiin.

Xadiiska 3 kiyaabka arbavu nawaawi

Waxaa laga wariyey Abuu Cabd ar-Raxmaan ‘Cabullaahi ibn Cumar-ibn al-Khaddaab (Allaha ka raalli noqdee): ”Inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Allah (scw) oo leh: Waxaa lagu dhisay lslaamka Shan dhibdib oo kala ah.” [Bukhaari iyo Muslim] Qiridda in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay. Oogidda salaadda. Bixinta Sakada. Soomidda Bisha Ramadaan. Gudashada Xajka. Sharaxa: Xadiiska Sadexaad Xadiiskan wuxuu la mid yahay xadiiska labaad qaybta ku saabsan arkaanta lslaamka, marka shantaasi dhidib, waa shanta tiir ee qofka loogu agoonsan karo inuu ka mid yahay bulshada Muslimka ah. Muslimnimada runta ahna waa hadba sida qofku ugu dhaqmo shantaa tiir iyo waxyaalahal a xiriira.

Saturday 20 June 2015

Hey

Hey, I just downloaded WhatsApp Messenger on my Android. It is a smartphone messenger which replaces SMS. This app even lets me send pictures, video and other multimedia! WhatsApp Messenger is available for Android, iPhone, Nokia, Windows Phone and BlackBerry and there is no PIN or username to remember - it works just like SMS and uses your internet data plan. Get it now from https://www.whatsapp.com/download/ and say good-bye to SMS!

Wednesday 17 June 2015

Koonfur afrika oo laga soomayo maalinta bari ah

Koonfur afrika oo laga soomayo.
Majmaca culimada islaamka ayaa ku dhawaaqay in maalinta bari ah ay tahay maalin ramadaan.

Wadamada islaamka badankooda ayaa laga soomayaa maalinta bariyo ah.

Somaliya oo ah dal aan laheyn culima mideusan ayaa noqon doona dal meelaha qaar laga soomo halka kuwa qaar ay afursanaan doonaan khilaaf u dhaxeeya malaashiyaad donaya in la qaato fiktradahood.

Xadiiska 2 kitaankabarbacibnawaaw

Waxaa laga weriyey sidoo kale ‘Cumar (Allah haka raalli noqdee), in uu yiri: Maalin maalmaha ka mid ah annagoo Nebiga (scw) la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u tima madow oo aanay ka muuqan astaan safar nin yaqaanna nagu jirin, ilaa uu Nebiga ag-fariistay, markaasuu jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyinkiisnaa kor saaray bowdada Nebiga (scw) markaasuu ku yiri: Muxammadow ii sheeg lslaamka. Markaasuu Rasuulkii Alla (scw) yiri: lslaamku waa inaad qirto inaan ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Allah yahay, inaad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha Ramadaan iyo u xajidid Baydka Allah haddii aad awooddid. Markaasuu yiri: Run baad sheegtay, markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh run baad sheegtay. Haddana wuxuu ku yiri: Ii sheeg Iimaanka. Markaasuu yiri: Iimaanku waa inaad rumeysid Alla iyo malaa’iktiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, maalinta qiyaamaha iyo Qaddarka Alla shar iyo kheyrba. Wuxuu yiri: Run baad sheegtay. Wuxuu yiri: Haddana ii sheeg Ixsaanka. Wuxuu yiri: Ixsaanku waa inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isagaa ku arkaya. Wuxuu yiri: iiga warran saacaddu markay dhacayso. Wuxu u yiri Nebiga (scw): Kaagama war rooni. Wuxuu yiri: iiga warran calaamadaha lagu garto markay soo dhowaato. Wuxuu ku jawaabay: In addoontu dhasho sayidkeeda iyo in dadka kabaha la’ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ku tartamaan sara-dhis. Markaasuu iska tegey. Markii Nibigii Cabbaar aamusnaa ayuu yiri: Cumarow, ma garanaysay.ninkii wax warsanayey? Markaasaaniri; Allah iyo Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri Nebiga (s.c.w.): Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu idin baro diintiinna. [Muslim]. Sharaxa: Xadiiska Labaad Xadiiskani wuxuu koobay saldhigyadii Diinta Islaamka oo ah tiirarka Islaamka, tiirarka Imaanka iyo daacadnimada. Marka irridda laga gelayaa Diinta Islaamka waa inaad qirto ikhtiyaarkaada, in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, in Nebi Muxammed Rasuulkii Alle yahay. Tiirka labaad ee Diintu waa salaadda, qofkii ka tagaana waa qof Alla ku kufriyey. Tiirka Saad waa in la bixiyo sakada, qofka leh xoolo ay ka waajibtay. Tiirka Afaraad waa in la soomo bisha Ramadaan oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga billaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. Tiirka Shanaad waa inaad u Xajidid Beydka Alle ee Makka ku yaalla, waxaana laga rabaa tiirkan qofk a awoodda u leh. Marka tiir kasta oo ka mid ah Shantaa, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabtid, waxaad ka heli kartaa kutubaha fiqiga. Tiirarku iimaanku iyagu waa lix (6) oo kala ah: Inaad rumeyso si dhab ah u ictiqaadiso jiritaanka iyo midnimada Allah’ Inaad rumeyso jiritaanka malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahay k a uumay nuur oo innaga duwan, Inaad rumeyso in llaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo deiiyay ee uu u dambeeyey laguna khatimay kitaabka Qur ‘aan k a, I naad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay nebigeennii suubbanaa Muxammad (scw) . Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto, maalin la xisaabi doono dadka waxay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan. Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaaya dunida inay yihiin wax llaahay qaddaray shar iyo kheyrba. Tiirarka iimaanku waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahay un baa og inuu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka lslaamka. Arrinta 3aad ee saldhigga islaamka waa ixsaanka, waxaan dhihi karnaa waa dhuuxa islaamka. Haddii aanu geed dhuux laheynna isma taagi karo marka ixsaanka waxaa loola jeedaa in ay qofka dhab ka tahay rumeynta Diinta Islaamka waa in uu si daacad iyo hagar la’aan ah ugu camal falo sharciga Isfaamka. Waa inuu Alla u caabbudo sidii asagoo hortaagan, maxaa yeelay, haddii aanu qofku arkeyn llaahay asagaa arkaaya. Markii saldhigyadii Islaamku dhammaadeen ayuu warsaday Jibriil Nebigii {scw) waqtiga qiyaamuhu kacaayo. wuxuu ugu iawaabay: kaagama war rooni. Sababtoo ah waa arrimaha cilmigooda llaahay la keli noqday oo aanu u sheegin khalqigiisa, halkaa waxaan ka ogaaneynaa dadka isku shuqliya inay wax ka sheegaan cilmi-qeybka, sida kuwa dhaha dunidu waxay jireysaa 7.000 oo sano ama 4.000 iyo shey iwm., iney sheeko baraley tahay. Wuxuu warsaday haddana Jibriil astaamaha lagu ogaado in Qiyaamuhu dhow yahay. Wuxuu sheegay Nebigu (scw) in astaamaha ay ka mid yihiin: In addoontu sayidkeeda dhasho, waxay ku fasireen culamadu inay badan doonaan carruurta waalidkood ku caasi noqonaaya oon u aabbo yeeleyn xurmada, sharafta iyo xannaanada waalidku ka mudan yahay carruurtooda, ilaa ay ka gaaraan heer ay ula dhaqmaan hooyadooda sidii addoon ay leeyihiin ama qof ciidan ah oo u shaqeeya. Waxaa ka mid ah calaamadaha saacadda in dadka reer baadiyaha ah ee cayrta ah ay qabsan doonaan magaalooyinka kuna tartami doonaan saraha dhaadheer isuguna faani doonaan . FAA’IIDADA XADIISKA Waxaa lagu koobay xadiiskan saldhigyadii Diinta lslaamka. Waxaa lagu sheegay in waqtiga Qiyaamuhu kici doono Alla oo keliya og yahay haddii cid too sheegi lahaa waxaa loo sheegi lahaa Malaku-Jibriil iyo Nebi Muxammad (s.c.w.). Qofka Muslimka ah waxaa ku habboon inuu ku dadaalo nadaafadda dharkiisa iyo heybaddiisa sida Jibriil u soo labbistay oo kale.

Xadiiska 1 ee kitaabka arbacu nawaawi

Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn al-Khaddaab Alla haka Raalli Noqdee: Inuu yiri; waxaan maqlay Nebiga (scw) oo leh: Camalku waxaaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday llaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama gabar uu rabo guurkeeda, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud”. [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Kowaad Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo wuxuu ula jeedo ama u qasad leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu raad raacayo camalkii waa ansaxay haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buray. Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tagoo o lagu biro xarunta lslaamka ee Mediina, taana waxaa loola ieeday in qofku ka guuro meeshaa annu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta Islaamka si xurriyad ah.

FAA’IDADA XADIISKA: Wuxuu noo faa’ ideynaya xaadiiskani arrimaha soo socda: Inaan camalku ansaxeyn niyad suubban la’aan. In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyad wanaag u falo, shareecadana waafaqsan’ Camalka Alle (sw) aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la’aan, shareecadana waafaqsan. Qofkii camalkii uu falay ee shareecada waafaqsana ku dara istus-tus ama uga gogol leh camalka adduunku hel, ama halagu a mmaano ee magac iyo maaldoon ah waxaa buraya ajarkiisa oo Illaahay waxba ka sugi maayo.

Advers

14463fc9-a434-476f-bb7c-2702574bb6a1

Ururka xamaas oo doonaya in uu dowladbislaami ah ka aburo qaza

Xamaas oo ah urur gubanimo doon ah oo dagaal kula jira yahuuda xoogga ku heeysata dhulka falastiiniyiinta ayaa doonaya in uu dowlad islaami ah ka dhiso qaza.

Xamaas ayaa xifaaltan siyaasadeed kala dhaxeeysaa ururka fataax oo u janjeera dhanka dastturka iyo arimaha yahuuda.

Madaxweyne maxamuud cabaas ayaa ju dhawaaqay in uu kala diray xukuumada falastiin kadib markii xukuumada falastiin àwoodi weeysay in ay ka taliso qaza.

Doorashafii 2006 ka dhacday falastiin ayaa urur xamas helay aqlabiyada xukuumada qaza.

Xamaas oo ah urur islaami ayaa haatan u muuqda kuwa doonaya madax banaani ay ka qaataan falastiin intee kale ayagoo doonaya in ay ka hirgaliyaan magaalada qaza shareecada islaamka.

Tuesday 16 June 2015

Biyacade

Let's video chat and text on imo! Get the free app www5.getimoapp.com

Maxamad mursi oo la xukumay

Wadaadka akhwaanu musliminka masar ahaana madaxweeynihii saxda ee dalka masar ayaa lagu xukumay dil doogasho ah.

Maxad mursi oo doonayay in dalka masar lagu xukumo ayaa la kulmay siyaasad xumo taasoovkentay in xukumka aybaf gambiyaan munaafiqiin sheegta islaamnimada.

Wednesday 10 June 2015

nin naagtiisa u faray casiirka sacuudiga laga cabo

Haweeneey soomaali ah baa xilli hore u tahriibtay dalka sacuudi carabiya waxeeyna halkaasi u aaday shaqo iyo lacag ay dooneeysay in ay guri ka dhisato, haweeneeyda waxeey aheeyd xaas leh laba caruur ah, waxeeyna ku dhaaftay ninkeedii.Muddo dhowr sano ah kadib ayeey ku soo laabatay soomaaliya waxaana garoonka diyaaraha ee xamar ku soo dhaweeyay ninkeeda oo muddo sugayay.

Tuesday 19 May 2015

kitaabka arbacu nawaaw xadiis2

ﻦ ﻋﻤﺮ ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﺗﻌﺎﻟﻰ ﻋﻨﻪ ﺃﻳﻀﺎ ﻗﺎﻝ :
ﺑﻴﻨﻤﺎ ﻧﺤﻦ ﺟﻠﻮﺱ ﻋﻨﺪ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺁﻟﻪ ﻭﺳﻠﻢ
ﺫﺍﺕ ﻳﻮﻡ ﺇﺫ ﻃﻠﻊ ﻋﻠﻴﻨﺎ ﺭﺟﻞ ﺷﺪﻳﺪ ﺑﻴﺎﺽ ﺍﻟﺜﻴﺎﺏ ﺷﺪﻳﺪ ﺳﻮﺍﺩ
ﺍﻟﺸﻌﺮ ﻻ ﻳﺮﻯ ﻋﻠﻴﻪ ﺃﺛﺮ ﺍﻟﺴﻔﺮ ﻭﻻ ﻳﻌﺮﻓﻪ ﻣﻨﺎ

kitaabka arbacu nawaawi xadiis 1

ﻋﻦ ﺃﻣﻴﺮ ﺍﻟﻤﺆﻣﻨﻴﻦ ﺃﺑﻲ ﺣﻔﺺ ﻋﻤﺮ ﺑﻦ ﺍﻟﺨﻄﺎﺏ ﺭﺿﻲ
ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻪ ، ﻗﺎﻝ : ﺳﻤﻌﺖ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ
ﻳﻘﻮﻝ : ( ﺇﻧﻤﺎ ﺍﻷﻋﻤﺎﻝ ﺑﺎﻟﻨﻴﺎﺕ ، ﻭﺇﻧﻤﺎ ﻟﻜﻞ ﺍﻣﺮﻱﺀ ﻣﺎﻧﻮﻯ
، ﻓﻤﻦ ﻛﺎﻧﺖ ﻫﺠﺮﺗﻪ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻭﺭﺳﻮﻟﻪ ، ﻓﻬﺠﺮﺗﻪ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻠﻪ
ﻭﺭﺳﻮﻟﻪ ، ﻭﻣﻦ ﻛﺎﻧﺖ ﻫﺠﺮﺗﻪ ﻟﺪﻧﻴﺎ ﻳﺼﻴﺒﻬﺎ ، ﺃﻭ ﺍﻣﺮﺃﺓ
ﻳﻨﻜﺤﻬﺎ ، ﻓﻬﺠﺮﺗﻪ ﺇﻟﻰ ﻣﺎ ﻫﺎﺟﺮ ﺇﻟﻴﻪ ) ﺭﻭﺍﻩ