Tuesday 23 June 2015

Xadiiska 4 kitaabka arbacu nawaawi

Wuxuu yiri Abuu Cabdir-Raxmaan Cabdullaahi ibn Mascuud (Allaha ka raalli noqdee): ”Waxaa noo xadisay Rasuulkii Allah (scw) isagoo ah runle la rumeeye oo wuxu u yiri: Qof ka waxaa lagu uruuriyaa caloosha hooyadii isagoo candhuuf yar ah 40 maalmood intaa in la’egna, wuxuu ahaanaya xinjir yar, intaa in la’egna wuxuu noqonayaa waslad yar oo hilib ah, markaasaa loo soo dirayaa malag wuxuu ku afuufayaa nafta waxaana la farayaa afar eray oo kala ah: Inuu qoro Arsaaqadiisa, Cimrigiisa, Shaqadiisa ama Camalkiisa Iyo in uu yahay Shaqaabad ama Saciid. Waxaan ku dhaartay Allaha aan ilaah kale jirin xaq lagu caabudo isaga ma ahee; qofku wuxuu falayaa camalka reer jannaadka ilaa uu u jirsado in xusul ah, markaas hadduu yahay qof loo qoray Naarta, Wuxuu falayaa camalka reer-naareedka, markaasuu gelayaa Naarta. Ama qofku wuxuu falayaa camalka reer-naareedka ilaa uu u jirsado in xusul ah, marka hadduu ahaa qof loo qoray Jannada wuxuu falayaa camalkad reer-Jannaadka, markaasuu gelayaa Jannada.” [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Afaraad Xadiiskani wuxuu caddeynayaa heerarka kala duwan ee qofku marayo inta uu caloosha ku jiro, heerka ugu horreeya waa isagoo dhibic candhuuf ah ayuu gelayaa minka hooyada, muddo 120 beri ah ayey isu beddeleysaa cad yar oo hilib ah oo in mar la goosto la’eg. Marka ay bilood u dhammaato ayaa lagu abuurayaa nolosha Aadannimada iyo suuraddiisa, isla markaa Allahii aan cilmigiisu xuduudda laheyn oo og qofkaasi wuxuu ku kici doono shar iyo ‘khey” ayaa wuxuu amrayaa in la qoro xaal nololeedka qofkaa iyo wuxuu abaalmarin mudan doono, arrimahaasna waxaa fulinaya malaggii Alla u xil saaray. Waxaa kale oo xadiiskani ina tusinayaa inaan Naarta iyo Jannada loo kala dhoweyn oo ay ku xiran tahay khaatuma kheyrka, waxaa la arkaa in qof ku gaal ama faasiq yahay, laakiin, marka geeridiisu soo dhowaato iska islaamo ama tooba keeno hadduu caasi yahay. Haddaba waxaa ‘la gudboon qof waliba inuu ‘Illaahay baryo, ,inuu khaatimadiisa kheyr ka dhigo. FAA’IIDADA XADIISKA Xaaladaha kala duwan oo qofku ku marayo uurka hooyadi. llaa 4 bif ood laga gaaro inaan qofka lagu abuurin ruuxda Aadannimada. Kheyrka iyo shartu sidey isugu dhow yihiin.

No comments:

Post a Comment