Tuesday 23 June 2015

Xadiiska 8 kitabka arbacu nawaawi Wuxuu ka hadlayaa xurmada muslimka

Waxaa laga weriyay ibnu Cumar (Allaha ka raalli noqdee) inuu yiri Nebigu( s.c.w. ): ”Waxaa lay amray inaan dadka la jihaado ilaa ay ka qiraan midnimada Allah iyo inuu isaga keliya yahay ilaaha xaqa ah, wixii ka soo haraana ee la caabudo ay yihiin ilaahyo been iyo baadil loogu hoggaansan yahay ee aan xaq aheyn in laga hortagona ay waajib tahay. Waxaa sidoo kale nebiga la amray iyo ciddii rumeysayba in ay ku jihaadaan dadka ilaa ay ka qiraa nebinnimada Rasuulka llaahay, salaadda tukadaan, sakadana bixiyaan. Haddii ay sidaa yeelaan waxaa badbaadaya dhiiggooda, iyo maalkooda wixii aan ka aheyn xaqa islaamka, wixii intaa ka dheeraada llaahay baa ka xisaabaya.” [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Sideedaad Xadiiskani wuxuu inoo sheegay Saldhigyada lslaamka uqu waaweyn iyo in qofkii diida lala jihaadayo, dhiiggiisa iyo maalkiisuna in ay xalaal u yihiin imaamka Muslimiinta, ninkii intaa laga helose waa xaaraan in dhiiggiisa la dhadiyo iyo in xoolahiisa la dhaco. Xaqa islaamka waxaa looga jeedaa ku dhaqanka xeerka islaamka, sida bixinta xuquuqda lagu yeesho xoolahiisa iyo naftiisa ka dheeraanshaha dembiyada waaweyn iyo guud ahaan dhowridda sharciga. Qofka sidaa muuqata ugu dhaqma diinta islaamka haddii si hoos ahaan ah uu ku kaco waxyaalaha ku reeban diinta, Ilaahay baa la xisaabtami doona, innagu waxaan kula dhaqmeynaa sida inooga muuqata, haddiise uu muujiyo lslaamnimo hoosna ku qarsado gaalnimo ama munaafaqnimo innagu shaqo kuma lihin waxa u qarsoon waxaan ula dhaqmeynaa muslimnimo toosan. FAA’IIDADA XADIISKA In lala jihaado Cadowga Islaamka, ilaa a ay ka islaamaan, ama ay cahdi la galaan imaamka musiimka; Ninka ka taga salaadda ma diida sakada wuxuu la mid yahay gaalada cadawga u ah islaamka; In qofka muslimka dhiiggiisa iyo maalkiisaba ay xaaraan yihiin in lagu xadgudbo; Dhiigga qofka muslimka ah in la daadiyaa waa xaaraan, xoolihiisa in la dhacaana waa xaaraan; Qofka lslaamnimada muujinaaya waa laga aqbalayaa wixii u qarsoon llaahay baa loo tala saaranayaa.

No comments:

Post a Comment