Tuesday 23 June 2015

Xadiiska 3 kiyaabka arbavu nawaawi

Waxaa laga wariyey Abuu Cabd ar-Raxmaan ‘Cabullaahi ibn Cumar-ibn al-Khaddaab (Allaha ka raalli noqdee): ”Inuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Allah (scw) oo leh: Waxaa lagu dhisay lslaamka Shan dhibdib oo kala ah.” [Bukhaari iyo Muslim] Qiridda in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay. Oogidda salaadda. Bixinta Sakada. Soomidda Bisha Ramadaan. Gudashada Xajka. Sharaxa: Xadiiska Sadexaad Xadiiskan wuxuu la mid yahay xadiiska labaad qaybta ku saabsan arkaanta lslaamka, marka shantaasi dhidib, waa shanta tiir ee qofka loogu agoonsan karo inuu ka mid yahay bulshada Muslimka ah. Muslimnimada runta ahna waa hadba sida qofku ugu dhaqmo shantaa tiir iyo waxyaalahal a xiriira.

No comments:

Post a Comment