Friday 2 October 2015

QISADII REER XIMSA IYO AMIIRKOODII¿QISA JABII AH?

AFAR QODOB OO LAGU SOO EEDEEYAY SACIID: Dadkii waxay amiirkooda ku soo eedeeyeen afar qodob oo ka mid ah falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba midda kale ka daran tahay. Cumar wuxuu isugu yeeray dadkii iyo amiirkooda, wuxuuna Alle ka baryay inuusan hoojin malihii wanaagsanaa ee uu u hayey Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn ayuu ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan amiirkooda, waxayna ku jawaabeen sidatan: 1) “Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in badan ka tagto”. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: “maxaad ka leedahay arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu aamusnaa, markaasuu wuxuu yiri: “ma aanan jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama huraan. Anniga ma lihi adeege ama khaadim, sidaa darteed subax kasta waxaan qasaa cajiinta, muddo yar ayaan u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u soo baxaa”.Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale oo ay ku eedeenayaan Saciid. 2) Waxay yiraahdeen: ” habeenkii cidna uma jawaabo”. Cumar ayaa Saciid ku yiri: “maxaad ka leedahay hadalkaas?”. Saciid wuxuu yiri, tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin habeenkii ayaa ah, iyadoo aan maalintii siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan Ilaahay siiyay. Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay: “maxaad kalood ka sheeganaysaan”. 3) Waxay yiraahdeen: “bishii maalin ayuusan noo soo bixin”. Cumar ayaa Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid ugu jawaabay: ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka leeyahay lebiska aan qabo, sidaa darteed bishiiba hal jeer ayaan dhaqaa, waana sugaa ilaa inta uu ka qalalo, markaas ka dibna ayaan u soo baxaa”. Cumar ayaa dadkii ku yiri: “maxaad kalood ka sheeganaysaan?”. 4) Waxay yiraahdeen: “mararka qaarkood ayuu miyir beelaa”. Saciid ayaa wuxuu yiri: “waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa jirkii Khubeyb, waxayna ku oranayeen markaas: “ma jeceshahay inaad nabad gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo booskaaga”, wuxuuna ku jawaabayay:” wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo, Nebi Muxammad-na ay muddo qodax”, anniguna markaan taas xasuusto dhacdadii maalintaas iyo sidii aanan ugu gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa inuusan Alle (sw) ii denbi dhaafaynin, markaasna ayaan miyir beelaa”. Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh ayuu ugu farxay natiijadii dacwada, wuxuuna yiri: “waxaa mahad iska leh Allihii aanan hoojin malahayga”, ka dibna wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000 diinar si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto. Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii, ayaa waxay tiri: “waxaa mahad iska leh Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee waxaad noo soo iibisaa wixii aan u baahnayn, noona soo ijaar adeege noo shaqeeya”. Saciid wuxuu afadiisii ku yiri: “ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr badan”. Waxay tiri: “waa maxay”. Wuxuu yiri: “waxaan u dhiibanaynaa cid aan ka soo ceshan doonno goor aan aad ugu baahannahay”. Waxay tiri: “waa kuma kaas”. Saciid wuxuu yiri: “waxaan amaahinaynaa Alle amaah wanaagsan”. Waxay tiri: “waa runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga abaaliyo”. Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba dhaqaaqin, jeer uu lacagtii oo dhan ku guray kiishash ama qariirado, wuxuuna ku yiri mid ka mid ah ehelkiisa isagoo lacagtii u qaybinayya masaakiinta: “lacagtan waxaad u geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u geysaa islaantii garoobta ahayd.., lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii

No comments:

Post a Comment