Tuesday 23 June 2015

Xadiiska 5 kkitaabka arbacu nawaawi qeeybta bidcada

Waxaa laga weriyay hooyadii Mu’miniinta Umm CabdullaahC aa’isha (Allah ha ka raalli noqdee): ”Inay tiri: wuxuu yiri Rasuulkii Allah (s.c.w.): Qofkii amarkayagan ku soo dara waxaa an ka mid ahayn isaga lagu celinayaa.” [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Shannaad Xadiiskani wuxuu caddeynayaa qofkii ka leexda Jidkii Alle iyo Rasuulku jideeyeen inuu baadi yahay Xadiiskan waa udubbada ugu waaweyn ee Islaamka, wuxuu ka digayaa in Diinta lagu soo daro wax aan ka mid ahayn, ama laga naaqusiyo, ama la beddelo ama la qalloociyo. Sababtoo ah Diinta Islaamku wey dhammeystirantahay oo Ilaahaybaaabyay, marka qofkii wax ku soo daraya ama ka naaqusinaya wuxuu ka dhigan yahay gof leh anigaa llaahay ka aqoon badan oo waxaanu sheegin baan Diinta ku darayaa, ama wuxuu sheegay baan ka goynayaa. Waxyaalaha laga digaayo in diinta lagu soo darriyo ama laga naaqusiyo ma aha oo keliya cibaadada ee waa farac kasta oo ka mid ah Diinta lslaamka sida macaamilaadka Nikaaxa, Usluubta, Anshaxa, Xiriirka Bulshada, xuquuqdooda iwm. Haddaba, qofka muslimka ah ee ku camal fala masalo aan sharciga ku dhisneyna baalkiisu waa in camalki isu buro oon laga ajar-siin, weliba waxaa la arkaa inuu ku dambaabo ama diintaba kaga baxo falalka qaarkood. Haddaba waxaa waajib ku ah qof kastao o muslim ah inuu hubsado in camalkiisu sharciga waafagsan yahay iyo in kale. Waxaana jira miisaan lagu qiyaaso camalka oo ah sida uu Nebigu( s.c.w) iyo asxaabtiisu ugu camalfali jireen mas’alada hortaalla. Waxaad heleysaa jawaab saxiix ah oo laga soo weriyay Nebigi iyo Asxaabtiisii, Haddaba, waa in laga digtoonaado bidcada iyo sheekada ku-tiri-ku-teenka ah ee loo ekeysiinayo diinta laguna khawiyeysiinayo dadka ma-kastada ah ama aqoonta gaaban xagga diinta. FAA’IIDADA XADIISKA Mas’ala kasta oon sharciga ku fadhin waa baadinnimo; In laga digtoonaadob idcada; In qofkuf alki isak u mi isaamos harcigais laamka; Inla barto diinta si loo kala saaro bidcada iyo sunnada; In diintu dadka ku filan tahay oo laga deeqtoon yahay bidcada.

No comments:

Post a Comment