Showing posts with label sharif adow sheikh. Show all posts
Showing posts with label sharif adow sheikh. Show all posts

Wednesday 23 November 2022

Jareer saaxib ha ka dhigan



Jareer saaxib ha ka dhigan

Waxaa la yiri waxaa saaxib ahaan jiray nin jareer ahaa iyo mid jileec ahaa Fara dheer,

Ninka fara dheerka ah wuxuu ahaa nin aaminsan in jareer  saaxib galin had iyo jeer wuxuu xaaskiisa oran jiray jareer saaxib ma galo.

Xaaskiisa ayaa iyana dagaali jiray ayadoo leh jareer saaxib wuu galaa,


Dadka deegaanka aad beey caam uga dhex ahaayeen labadaan nin waxeeyna ahaayeen saaxibbo is qadariya.

Maalin maal maha ka mid ah ayuu xaaskiisa la sharatamay wuxuuna ku yiri : Maanta waxaan ku tusayaa In jareer saaxib galin.

Ninka jareerka ah iyo kan  fara dheer ah ayaa maalin is raacay ayagoo aaday ugaarsi, kan jareer ah wuxuu qaabilsanaa dhanka ilaalada baxsashaa ugaarta qeeybta bari.


Halka kan kale uu ahaa mid qaabilaan toogashaa ugaarta.

Nin fara dheerka ah wuxuu soo diyaarsaday canjalad ay ku duuban tahay cod qof qeeylinaya oo dhaaawac ah, wuxuuba abaaray dhinaca waqooyi si uu ugaarta u dilo.

Ninkii jareerka ayaa maqlay xabad iyo qeeylo aad buu u naxay wuxuuna u cararay dhanka beer ay dhex degnaayeen oo meesha ku taalay.

Xoogaa kadib ninkii jareerka ahaa ayaa meel dheer uga jeeday qof dusha wax ku wada cabaar kadib waa saaxibkii oo argagax ka muuqda.

Saaxibki ayaa yiri anigoo gamaya cowl ayaa igu so baxay qof goor ay xabadii dhacday waxeeyna asiibtay nin halkaas marayay wuuna dhintay waana kan jawaanka ku dhex jira ee fadlan i qari ilana aas.

Jawaanka waxaa ku jiray qashin iyo dhiig sagaaro iyo wax yaaba kale.

Ninkii jareerka ahaa wuu yeelay wuuna ka aqbalay mana hubsan waxa jawaanka ku kira weey doogeen asagoon arag waxa meesha ku jira.

Goortii magaaladii la tagay ayuu ninkii jareerka ahaa arinkii sheegay asagoo leh hebel nin bu dilay wuuna duugay

Isla warkii wuxuu gaaray ciidankii waxaa la soo qabtay ninkii fara dheerka aahaa.

Waxaana loo sheegay in uu ku eedeeysan yahay dambi ah in u qof dilay marqaati a waxaa ah nin ay saaxibka yihiin ee jareerka ah.  

Arintii ayaa cirka isku shareertay ciidankii na waxeey amreen im meydka banaanka la keeno  sidii ayaa la sameeyay oo goobtk ayaa la tagay godkiina la fagay  lagana soo saaray jawaan ay wax ku jiraan  waa la furay waxaa ka buuxa qashin iyo sagaaro meydkeeda.


Ninkii ayaa yiri  jareer saaxib ma galo.