Tuesday 23 June 2015

Xadiiska 7 kitaabka arbacu nawaawi wuxuu ka hadlayaa waanada

Waxaa laga weriyay Abuu-Huqayya Tamiim ibn Aws ad-Daarii (Allaha ha ka raalli noqdee): ”In Nebigu (s.c.w.) yiri: Diintu waa waano, waxaannu niri ‘ayuu u yahay? Rasuulka Allow! Wuxuu yiri: wuxuu u yahay Allah iyo Kitaabkiisa, iyo Rasuulkiisa, iyo madaxda musl imiinta iyo dadweynahaba.” [Muslim] Sharaxa: Xadiiska Todobaad Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee waanadu ku leedahay Diinta lslaamka, Diintu waxay waano u tahay llaahay waxaa loola jeedaa: in la aqbalo waanadiisa uu dadka ugu yeeray, in la rumeeyo keli ahaantiisa, in lagu sheego wuxuu isagu isku tilmaamay, lagalana haro shirkiga ama wadaajinta cibaadada, xaqa Ilaahayna aan cid kale la siinnin, nicmaduu kuugu deeqay aan cid kale loo tiirin Wuxuu diinku waano u yahay Kitaabka Ilaahay: in la rumeeyo inuu yahay kitaab ka soo degay xagga Ilaahay, kaddibna la xurmeeyo laguna camal falo. Wuxuu diinku waano ugu yahay Nebiga( s,c.w.) in la rumeeyo inuu yahay Rasuulkii llaahay u soo diray dadka lana rumeeyo wuxuu sheego oo dhan, lana raaco awaamiirta uu faro, lagana dheeraado wuxuu reebo. Madaxda Muslimka wuxuu diinku waano ugu yahay waa in xaqa loogu gargaaro wixii gefaf ama qallooc ah lagu baraarujiyo amarrada ay soo saaraan oo ay dadka ugu daneynayaan, shareecadana waafaqsan in la fuliyo, inaan loo baarin ceebo, inaan laga faafin dacaayad dadka nacsiisa iyo in lagu gacansiiyo mashaariicda lagu hormarinayo danaha ummadda iyo inaan ammaan been-been ah iyo munaafaqnimo lala hoos roorin. Dadweynaha wuxuu waano ugu yahay in lagu hunuuniyo xaqa in wax la baro, kuwa qalloocan in looga digo xumaanta, kuwa jaahilka ah wax la baro iwm.. Marka diinkuba wuxuu ku hirgeli karo waa waano iyo wax isu sheeg. FAA’IIDADA XADIISKA Wuxuu natusayaa in waanadu qiimo weyn ku leedahay Diinta Islaamka, Waanada llaahay waa in la aqbalo wuxuu ummaddiisa ku waaniyay, Waanada Rassulka waa in la rumeeyo lana raaco jidka uu inoo jideeyay, Waanada kitaabka waa in lagu camalfalo, Waanada Madaxda waa in lagu caawiyo fulinta xaqa, Waanada dadweynaha waa in la hanuuniyaa. 

No comments:

Post a Comment