Tuesday 19 May 2015

kitaabka arbacu nawaaw xadiis2

ﻦ ﻋﻤﺮ ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﺗﻌﺎﻟﻰ ﻋﻨﻪ ﺃﻳﻀﺎ ﻗﺎﻝ :
ﺑﻴﻨﻤﺎ ﻧﺤﻦ ﺟﻠﻮﺱ ﻋﻨﺪ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺁﻟﻪ ﻭﺳﻠﻢ
ﺫﺍﺕ ﻳﻮﻡ ﺇﺫ ﻃﻠﻊ ﻋﻠﻴﻨﺎ ﺭﺟﻞ ﺷﺪﻳﺪ ﺑﻴﺎﺽ ﺍﻟﺜﻴﺎﺏ ﺷﺪﻳﺪ ﺳﻮﺍﺩ
ﺍﻟﺸﻌﺮ ﻻ ﻳﺮﻯ ﻋﻠﻴﻪ ﺃﺛﺮ ﺍﻟﺴﻔﺮ ﻭﻻ ﻳﻌﺮﻓﻪ ﻣﻨﺎ ﺃﺣﺪ ﺣﺘﻰ ﺟﻠﺲ
ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻨﺒﻲ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺁﻟﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻓﺄﺳﻨﺪ ﺭﻛﺒﺘﻴﻪ ﺇﻟﻰﺭﻛﺒﺘﻴﻪ ﻭﻭﺿﻊ ﻛﻔﻴﻪ ﻋﻠﻰ ﻓﺨﺬﻳﻪ ﻭﻗﺎﻝ :
ﻳﺎ ﻣﺤﻤﺪ ﺃﺧﺒﺮﻧﻲ ﻋﻦ ﺍﻹﺳﻼﻡ
ﻓﻘﺎﻝ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺁﻟﻪ ﻭﺳﻠﻢ :
ﺍﻹﺳﻼﻡ ﺃﻥ ﺗﺸﻬﺪ ﺃﻥ ﻻ ﺇﻟﻪ ﺇﻻ ﺍﻟﻠﻪ ﻭﺃﻥ ﻣﺤﻤﺪﺍ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ
ﻭﺗﻘﻴﻢ ﺍﻟﺼﻼﺓ ﻭﺗﺆﺗﻲ ﺍﻟﺰﻛﺎﺓ ﻭﺗﺼﻮﻡ ﺭﻣﻀﺎﻥ ﻭﺗﺤﺞ ﺍﻟﺒﻴﺖ ﺇﻥ
ﺍﺳﺘﻄﻌﺖ ﺇﻟﻴﻪ ﺳﺒﻴﻼ
ﻗﺎﻝ : ﺻﺪﻗﺖ
ﻓﻌﺠﺒﻨﺎ ﻟﻪ ﻳﺴﺄﻟﻪ ﻭﻳﺼﺪﻗﻪ
ﻗﺎﻝ : ﻓﺄﺧﺒﺮﻧﻲ ﻋﻦ ﺍﻹﻳﻤﺎﻥ
ﻗﺎﻝ
ﺃﻥ ﺗﺆﻣﻦ ﺑﺎﻟﻠﻪ ﻭﻣﻼﺋﻜﺘﻪ ﻭﻛﺘﺒﻪ ﻭﺭﺳﻠﻪ ﻭﺍﻟﻴﻮﻡ ﺍﻵﺧﺮ ﻭﺗﺆﻣﻦ
ﺑﺎﻟﻘﺪﺭ ﺧﻴﺮﻩ ﻭﺷﺮﻩ
ﻗﺎﻝ : ﺻﺪﻗﺖ
ﻗﺎﻝ : ﻓﺄﺧﺒﺮﻧﻲ ﻋﻦ ﺍﻹﺣﺴﺎﻥ
ﻗﺎﻝ ﺃﻥ ﺗﻌﺒﺪ ﺍﻟﻠﻪ ﻛﺄﻧﻚ ﺗﺮﺍﻩ ﻓﺈﻥ ﻟﻢ ﺗﻜﻦ ﺗﺮﺍﻩ ﻓﺈﻧﻪ ﻳﺮﺍﻙ
ﻗﺎﻝ : ﻓﺄﺧﺒﺮﻧﻲ ﻋﻦ ﺍﻟﺴﺎﻋﺔ
ﻗﺎﻝ
ﻣﺎ ﺍﻟﻤﺴﺌﻮﻝ ﻋﻨﻬﺎ ﺑﺄﻋﻠﻢ ﻣﻦ ﺍﻟﺴﺎﺋﻞ
ﻗﺎﻝ : ﻓﺄﺧﺒﺮﻧﻲ ﻋﻦ ﺃﻣﺎﺭﺍﺗﻬﺎ
ﻗﺎﻝ
ﺃﻥ ﺗﻠﺪ ﺍﻷﻣﺔ ﺭﺑﺘﻬﺎ ﻭﺃﻥ ﺗﺮﻯ ﺍﻟﺤﻔﺎﺓ ﺍﻟﻌﺮﺍﺓ ﺍﻟﻌﺎﻟﺔ ﺭﻋﺎﺀ ﺍﻟﺸﺎﺀ
ﻳﺘﻄﺎﻭﻟﻮﻥ ﻓﻲ ﺍﻟﺒﻨﻴﺎﻥ
ﺛﻢ ﺍﻧﻄﻠﻖ ﻓﻠﺒﺜﺖ ﻣﻠﻴﺎ ﺛﻢ ﻗﺎﻝ ﻳﺎ ﻋﻤﺮ ﺃﺗﺪﺭﻱ ﻣﻦ ﺍﻟﺴﺎﺋﻞ ؟ ﻗﻠﺖ :
ﺍﻟﻠﻪ ﻭﺭﺳﻮﻟﻪ ﺃﻋﻠﻢ ﻗﺎﻝ ﻓﺈﻧﻪ ﺟﺒﺮﻳﻞ ﺃﺗﺎﻛﻢ ﻳﻌﻠﻤﻜﻢ ﺩﻳﻨﻜﻢ
ﺭﻭﺍﻩ ﻣﺴﻠﻢ
Waxaa laga weriyey sidoo kale ‘Cumar
(Allah haka raalli noqdee), in uu yiri:
Maalin maalmaha ka mid ah annagoo
Nebiga (scw) la fadhinna ayuu nagu soo
baxay nin aad u dhar cad aadna u tima
madow oo aanay ka muuqan astaan safar
nin yaqaanna nagu jirin, ilaa uu Nebiga ag-
fariistay, markaasuu jilbaha jilbaha u
saaray, baabacooyinkiisnaa kor saaray
bowdada Nebiga (scw) markaasuu ku yiri:
Muxammadow ii sheeg lslaamka.
Markaasuu Rasuulkii Alla (scw) yiri:
lslaamku waa inaad qirto inaan ilaah jirin
xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi
Muxammadna Rasuulkii Allah yahay, inaad
oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid
bisha Ramadaan iyo u xajidid Baydka Allah
haddii aad awooddid. Markaasuu yiri: Run
baad sheegtay, markaasaan la yaabnay
ninka wax warsanaya ee haddana leh run
baad sheegtay.
Haddana wuxuu ku yiri: Ii sheeg Iimaanka.
Markaasuu yiri: Iimaanku waa inaad
rumeysid Alla iyo malaa’iktiisa, Kutubtiisa,
Rusushiisa, maalinta qiyaamaha iyo
Qaddarka Alla shar iyo kheyrba. Wuxuu yiri:
Run baad sheegtay. Wuxuu yiri: Haddana ii
sheeg Ixsaanka. Wuxuu yiri: Ixsaanku waa
inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya,
maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isagaa
ku arkaya. Wuxuu yiri: iiga warran saacaddu
markay dhacayso. Wuxu u yiri Nebiga (scw):
Kaagama war rooni.
Wuxuu yiri: iiga warran calaamadaha lagu
garto markay soo dhowaato. Wuxuu ku
jawaabay: In addoontu dhasho sayidkeeda
iyo in dadka kabaha la’ee qaawan ee
saboolka iyo reer baadiyaha ku tartamaan
sara-dhis. Markaasuu iska tegey. Markii
Nibigii Cabbaar aamusnaa ayuu yiri:
Cumarow, ma garanaysay.ninkii wax
warsanayey? Markaasaaniri; Allah iyo
Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri Nebiga (s.c.w.):
Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu
idin baro diintiinna. [Muslim].
Sharaxa: Xadiiska Labaad
Xadiiskani wuxuu koobay saldhigyadii Diinta
Islaamka oo ah tiirarka Islaamka, tiirarka
Imaanka iyo daacadnimada. Marka irridda
laga gelayaa Diinta Islaamka waa inaad qirto
ikhtiyaarkaada, in ilaah jirin xaq lagu
caabudo Alla ma ahee, in Nebi Muxammed
Rasuulkii Alle yahay. Tiirka labaad ee Diintu
waa salaadda, qofkii ka tagaana waa qof Alla
ku kufriyey. Tiirka Saad waa in la bixiyo
sakada, qofka leh xoolo ay ka waajibtay.
Tiirka Afaraad waa in la soomo bisha
Ramadaan oo laga reebtoomo cuntada,
cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo
haweenka, laga billaabo waaberiga ilaa
qorraxdu ka dhacdo. Tiirka Shanaad waa
inaad u Xajidid Beydka Alle ee Makka ku
yaalla, waxaana laga rabaa tiirkan qofk a
awoodda u leh. Marka tiir kasta oo ka mid
ah Shantaa, wuxuu ku fadhiyaa saldhig
weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad
si faahfaahsan u rabtid, waxaad ka heli
kartaa kutubaha fiqiga. Tiirarku iimaanku
iyagu waa lix (6) oo kala ah:
1. Inaad rumeyso si dhab ah u ictiqaadiso
jiritaanka iyo midnimada Allah’
2. Inaad rumeyso jiritaanka malaa’ikta oo
ah khalqi Ilaahay k a uumay nuur oo
innaga duwan,
3. Inaad rumeyso in llaahay kutub
hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha
looga baxo ah soo deiiyay ee uu u
dambeeyey laguna khatimay kitaabka
Qur ‘aan k a,
4. I naad rumeysid in Ilaahay rusul soo
diray, ee uu u dambeeyey laguna
khatimay nebigeennii suubbanaa
Muxammad (scw) .
5. Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo
ah inay jirto, maalin la xisaabi doono
dadka waxay faleen, dhimashada
kaddib la soo saari doono lagana abaal
marin doono waxay geysteen samaan
iyo xumaan.
6. Inaad rumeysid dhacdooyinka ka
dhacaaya dunida inay yihiin wax
llaahay qaddaray shar iyo kheyrba.
Tiirarka iimaanku waa camal qalbiga ku
xiran qofka iyo Ilaahay un baa og inuu run
sheegay iyo in kale, mana laha furuuc
badan oo muuqaneysa sida tiirarka
lslaamka. Arrinta 3aad ee saldhigga
islaamka waa ixsaanka, waxaan dhihi
karnaa waa dhuuxa islaamka. Haddii aanu
geed dhuux laheynna isma taagi karo marka
ixsaanka waxaa loola jeedaa in ay qofka
dhab ka tahay rumeynta Diinta Islaamka
waa in uu si daacad iyo hagar la’aan ah ugu
camal falo sharciga Isfaamka. Waa inuu Alla
u caabbudo sidii asagoo hortaagan, maxaa
yeelay, haddii aanu qofku arkeyn llaahay
asagaa arkaaya.
Markii saldhigyadii Islaamku dhammaadeen
ayuu warsaday Jibriil Nebigii {scw) waqtiga
qiyaamuhu kacaayo. wuxuu ugu iawaabay:
kaagama war rooni. Sababtoo ah waa
arrimaha cilmigooda llaahay la keli noqday
oo aanu u sheegin khalqigiisa, halkaa
waxaan ka ogaaneynaa dadka isku shuqliya
inay wax ka sheegaan cilmi-qeybka, sida
kuwa dhaha dunidu waxay jireysaa 7.000 oo
sano ama 4.000 iyo shey iwm., iney sheeko
baraley tahay. Wuxuu warsaday haddana
Jibriil astaamaha lagu ogaado in
Qiyaamuhu dhow yahay.
Wuxuu sheegay Nebigu (scw) in astaamaha
ay ka mid yihiin: In addoontu sayidkeeda
dhasho, waxay ku fasireen culamadu inay
badan doonaan carruurta waalidkood ku
caasi noqonaaya oon u aabbo yeeleyn
xurmada, sharafta iyo xannaanada waalidku
ka mudan yahay carruurtooda, ilaa ay ka
gaaraan heer ay ula dhaqmaan hooyadooda
sidii addoon ay leeyihiin ama qof ciidan ah
oo u shaqeeya. Waxaa ka mid ah
calaamadaha saacadda in dadka reer
baadiyaha ah ee cayrta ah ay qabsan
doonaan magaalooyinka kuna tartami
doonaan saraha dhaadheer isuguna faani
doonaan .
FAA’IIDADA XADIISKA
1. Waxaa lagu koobay xadiiskan
saldhigyadii Diinta lslaamka.
2. Waxaa lagu sheegay in waqtiga
Qiyaamuhu kici doono Alla oo keliya og
yahay haddii cid too sheegi lahaa
waxaa loo sheegi lahaa Malaku-Jibriil
iyo Nebi Muxammad (s.c.w.).
3. Qofka Muslimka ah waxaa ku habboon
inuu ku dadaalo nadaafadda dharkiisa
iyo heybaddiisa sida Jibriil u soo
labbistay oo kale.
ﻟﻜﺘﺎﺏ : ﺍﻷﺭﺑﻌﻮﻥ ﺍﻟﻨﻮﻭﻳﺔ
ﺍﻟﻤﺆﻟﻒ : ﺃﺑﻮ ﺯﻛﺮﻳﺎ ﻣﺤﻴﻲ ﺍﻟﺪﻳﻦ ﻳﺤﻴﻰ ﺑﻦ ﺷﺮﻑ ﺍﻟﻨﻮﻭﻱ
(ﺍﻟﻤﺘﻮﻓﻰ : 676ﻫـ )
ﺍﻟ

No comments:

Post a Comment