Wednesday 10 June 2015

nin naagtiisa u faray casiirka sacuudiga laga cabo

Haweeneey soomaali ah baa xilli hore u tahriibtay dalka sacuudi carabiya waxeeyna halkaasi u aaday shaqo iyo lacag ay dooneeysay in ay guri ka dhisato, haweeneeyda waxeey aheeyd xaas leh laba caruur ah, waxeeyna ku dhaaftay ninkeedii.Muddo dhowr sano ah kadib ayeey ku soo laabatay soomaaliya waxaana garoonka diyaaraha ee xamar ku soo dhaweeyay ninkeeda oo muddo sugayay.
Maalintaasi waxeey aheeyd jimco, sida laga wada war qabo maalinta jimcaha waa maalin dadku aysan shaqeeyn oo guryaha la wada joogo<!-- more -->
Islaantii waa la soo dhaweeyay waxaa loo sameeyay qado wanaagsan markii la gaaray waqtiga qadada oo laga soo baxay khudbada jimcaha ayaa la qadadii lawada cunay oo meesha kaftan ka dhacay.
Gabadhani xaaska ah oo dhalin yarana ah ayaa raashiinka ka dharagtay oo dareentay in ay caloosha buuxdo, markaas beey inta jimicsatay Tiri SACUUDI waxaan ugu xiisay FASHninkeedii oo maqli jiray haweenka sacuudi jooga in ay ku dhiban yihiin dhimanka oo ay yihiin kuwa dareenkooda jooga ayaa shaki galay baa u qaatay in ereyga FASHa yahay galmo ay u xiistay halkii ayuuna ku furay.
Asagoo sii raacay waa ogaa awalba in sacuudi lagu fasahaado.
Islaantii oo yaaban baa tiri’ oo maxaad igu furtay ? Maxaan se ku fasahaaday?!!
Ninkii ayaa yiri orod doono Fashta aad u xiistay.
Tala faraha waa ka baxday waxeeyna u sheegtay in ay ka waday cabitaanka casiirka ee marka la dabool qaadaya dhahaya FASH.
Casiir daraadii baa loo furay” FASH”

No comments:

Post a Comment