Tuesday 23 June 2015

Xafiiska 6kitaabka arbacu nawaawi

Waxaa laga weriyay Abuu-Cabdulaahi an-Nucmaan ibn Bashiir (Allaha ka raalli noqdee), ”Inuu yiri waxaan maqlay Rasuulkii Allah( s.c-w) oo leh: Xalaashu waa caddahay, xaaraantuna waa caddahay, waxaana jira arrimo murugsan oo aan xalaal iyo xaaraan midna ku caddeyn, dadka badankiisuna ka warqabin, marka ninka ka dhowrsada arrimahaa shakigu ku jiro waxaa u badbaaday diintiisa iyo sharafkiisa, ninkii arrimaha shakiga ku dhacaana waa nin ku dhacay xaaraan oo kale sidii nin xoolo u foofiyay meel seero agteed ah, waxaa looga baqaa in xooluhu seerahaa u dhacaan oo ay daaqaan. Hooyaay! ogaada in Boqor kasta leeyahay seero ama xirmooyin, seeraha llaahayna waa waxa uu xaaraantimeeyey. Hooyaay! Ogaada in jirka ay ku iirto waslad hilib ah oo haddii ay hagaagto jirkoo dhan baa hagaagaya, haddii ay xumaato jirkoo dhan baan xumaanaya. Ogaada taasi waa qalbiga.” [Bukhaari iyo Muslim] Sharaxa: Xadiiska Lixaad Xadiiskani waa saldhigga cilmiga fiqiga ee lagu geexay xalaashai yo xaaraanta, w axaanu xadiisku inoogu qaybiyey waxyaalaha innaga hor imaanaya ‘inaaney ka baxsaneyn saddexx aalo midkood. Wax lagu caddeeyay xaaraannimadiisa. Waxa la caddeeyay xalaalnimadiisa. Waxa l aga shakiyay in uu xalaal yahay iyo inuu xaaraan yahay. Marka labada’ hore muran kama joogo, waxaase xadiisku tilmaamay wixi laga yeeli lahaa xaaladda seddexaad, waxaanu amray in laga dheeraado shubhaada intii lagu dhici lahaa xaaraanta. Wuxuu ku matalay shubhada nin xoolo u foofiyay beero soohdintood, wuxuu halis u yahay in xooolihiisu beeraha u dhacaan oo ay daaqaan, halkaana waxa ka dhacaya in ninkii beertiisa la daaqay dagaal ku qaado ninka xoolaha la jiray, marka si dagaalka looga nabadgalo waa in xoolaha laga dheereeyo soohdinta beeraha. Haddaba, beerta llaahay waa waxa uu xaaraantinnimeeyey, ninkii beertaa u dhacaana waa inuu isu diyaariyo dagaalka llaahay. Waxaa kaloo xadiisku sheegay in qofka gudihi isa laga hoggaamiyo, haddii, qofka hoggaaankiisa guduhu toosnaado, qofkuna waa toosayaa’ haddii hoggaanka guduhu qalloocdo qofkuna waa qalloocanayaa. Haddaba, hoggaanka guduhu muxuu yahay? Hoggaanka guduhu waa Qalbiga. Marka waa inuu qofku ku dadaalo siduu qalbigiisa uga dhigi ‘lahaa mid saafi ah oo toosan. FAA’IIDADA XADIISKA Kala soocidda xalaasha, xaaraanta iyo shubahada, ln shubahada laga dheeraado si looga nabadgalo xaaraanta, ln qofku hagaajiyo qalbigiisa kana nadiifiyo xinka, xasadka, calool ku-haynta i.w.m.

No comments:

Post a Comment