Thursday 24 September 2015

Mah maah sedax leey ab

Saddex baa rag u wanaagsan
Nin tolkii u nacasa
Shisheeyana u nacaba
Reerkiisana u naaga

1. Saddex saddex kama dheregto
Ili daymo kama dheregto
Dhulna biyo kama dhergo
Dhegina war kama dheregto

2. Saddex saddex lama heshiiso
Nin qosol badan iyo nin qoosimaad badan
Nin quud jecel iyo aan quudhin
Nin qab weyn iyo nin aan u qabin

3. Saddex dumar laguma qabo
Gasiin xumo
Gogol xumo
Galmo xumo

4. Saddex saddex bay ka tagtaa
Roobku rays buu ka tagaa
Raggu rayi buu ka tagaa
Raaliyo haweena raas bay ka tagtaa

5. Saddex weligaa lama raaco
Rag kaa faqay
Rafiiqnimaad tihiin oo ku qadshay
Rag talo kaa reebay

6. Saddex naagtaada kugu nacda
Hambo la’aan
Hammo la’aan
Hammi la’aan

7. Saddex buu raggu is-dheer yahay
Garashada waxa soo socda
Wax ka qabashada waxa jooga
Ka samrida wax tegay

8. Saddex raggu wuu ku cimri deg degaa
Gogol xumo
Gasiin xumo
Carrab kulul

9. Saddex dadkaa kugu naca
Xishood la’aan
Xilo la’aan
Xoolo la’aan
1. Saddex tolkaabaa kugu naca
Hiil la’aan
Hoo la’aan
Hoy la’aan
1. Saddex saddex b aa lagu kabaa
Aqalka oo kaa yar ardaa baa lagu kabaa
Aqoontanda oo yar aamus baa lagu kabaa
Aduunkaaga oo yar iimaan baa lagu kabaa
2. Saddex saddex baa lagu cadeeyaa
Hadal run baa lagu cadeeyaa
Ilko caday baa lagu cadeeyaa
Mindi saawin baa lagu cadeeyaa
3. Saddex waa loo gudaa
Gabadh waa loo gudaa
Geedi waa loo gudaa
Ciyaar waa loo gudaa
4. Saddex saddex looma tilmaamo
Culimo cad looma tilmaamo
Carmal guur looma tilmaamo
Carrab lo’aad caws looma tilmaamo
5. Saddex waa la raacaa
Nin kaa caqli badan
Nin kaa cilmi badan
Nin kaa cuud badan
6. Saddex saddex lagama daayo
Rag shir lagama daayo
Dumar sheeko lagama daayo
Xoolana hees lagama daayo
7. Saddex waad ku degtaa
Guri barwaaqo
Gaari naageed
Gar cadaaladeed
8. Taajirimada waa saddex
Cuud ku taajir
Caqli ku taajir
Cilmi ku taajir
9. Saddex ma nabadgasho
Nin madax la saaxiibay
Nin sun la waraabshay
Nin sirtiisa haween u sheegay
1. Dumarku waa saddex
Naag gogol wacan
Naag gasiin wacan
Naag galmo wacan
1. Saddex lama badsado
Fadhi xidid
Soor fagaar
Ficil sokeeye
2. Saddex baa hourumar lagu gaadhaa
Hadal yar
Hawl badan
Hogaan wanaagsan
3. Saddex baa dib u gocosho leh
Gabadh gayaankeed ku gacan saydhay
Gallad aad baran weyday
Garaad garasho waayey
4. Saddex baa suldaanka laga eegaa
Garta
Guntiga
Gacanta
5. Saddex dumarku way neceb yihiin
Aamuska
Kelinimada
La xisaabtanka
6. Saddex bay naagi kugu dishaa
Dhal la’aan
Dhaqaale xumo
Dhego adayg
7. Saddex naag la’aantaa leh
Socadkaaga oo aan la ogaan
Sahay-daadoon kugu fillnaan
8. Saddex nin midna lalama haasaawe tago
Nin kaa qurux badan
Nin kaa hadal badan
Nin kaa dheereeya
9. Saddex waa lagu jabaa
Jaar xun
Jikaar waalid
Jacayl aan lagula ogeyn
1. Saddex ayaa dumarka ugu fiican
Hambo kugu celis
Hadal kaa maqla
Hanta kuu dhaqa
1. Saddex daacad ha-moodin
Dagaal ooge qabiil
Deeq shisheeye
Dumar dhoola cadayntood
2. Saddex tiiraanyo ayey kugu reebtaa
Tol aan is-maqlayn nin xukumay
Taf aan dhalayn nin qaba
Tiro adhi ah oo aan nin daajin
3. Saddex reer ma tarmaan
Reer habaar waalid qaba
Reer dhiig qarsoon qaba
Reer timo dheer u taliso
4. Saddex dumarku kuma wanaagsana
Fudayd
Feejig la’aan
Fadhi weyni
5. Saddex daymo badanaa
Nin walaashii doqon tahay
Nin dameer safar u diray
Nin yar oo dakano galay
6. Saddex ilaahay baa laga magan gala
Guluf dagaal oon tol badan lahayn
Gabadh aan xishood lahayn
Geeri aan ubad lahayn
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalis

1 comment: