Tuesday 19 May 2015

kitaabka arbacu nawaawi xadiis 1

ﻋﻦ ﺃﻣﻴﺮ ﺍﻟﻤﺆﻣﻨﻴﻦ ﺃﺑﻲ ﺣﻔﺺ ﻋﻤﺮ ﺑﻦ ﺍﻟﺨﻄﺎﺏ ﺭﺿﻲ
ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻪ ، ﻗﺎﻝ : ﺳﻤﻌﺖ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ
ﻳﻘﻮﻝ : ( ﺇﻧﻤﺎ ﺍﻷﻋﻤﺎﻝ ﺑﺎﻟﻨﻴﺎﺕ ، ﻭﺇﻧﻤﺎ ﻟﻜﻞ ﺍﻣﺮﻱﺀ ﻣﺎﻧﻮﻯ
، ﻓﻤﻦ ﻛﺎﻧﺖ ﻫﺠﺮﺗﻪ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻭﺭﺳﻮﻟﻪ ، ﻓﻬﺠﺮﺗﻪ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻠﻪ
ﻭﺭﺳﻮﻟﻪ ، ﻭﻣﻦ ﻛﺎﻧﺖ ﻫﺠﺮﺗﻪ ﻟﺪﻧﻴﺎ ﻳﺼﻴﺒﻬﺎ ، ﺃﻭ ﺍﻣﺮﺃﺓ
ﻳﻨﻜﺤﻬﺎ ، ﻓﻬﺠﺮﺗﻪ ﺇﻟﻰ ﻣﺎ ﻫﺎﺟﺮ ﺇﻟﻴﻪ ) ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺒﺨﺎﺭﻱ
ﻭﻣﺴﻠﻢ ﻓﻲ ﺻﺤﻴﺤﻬﻤﺎ.
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta
Cumar ibn al-Khaddaab Alla haka Raalli
Noqdee: Inuu yiri; waxaan maqlay Nebiga
(scw) oo leh: Camalku waxaaa saldhig u ah
niyadda, qof kastaana wuxuu helaa
niyaddiisa, marka qofkii u hijrooday llaahay
dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar
llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo
helo ama gabar uu rabo guurkeeda, isna
waxaa lagu abaalmarinayaa niyadiisa oo
llaahay ka sugi maayo abaalgud”. [Bukhaari
iyo Muslim]
Sharaxa: Xadiiska Kowaad
Niyadda waxaa looga jeedaa marka qofku
shaqo qabanayo wuxuu ula jeedo ama u
qasad leeyahay, marka niyaddu waa
saldhigga camalka qofka muslimka ah,
waana miisaanka camalka lagu qiyaaso,
marka haddii niyaddu saafi tahay oo lilaahi
loola jeedo, rasuulkii Allana howshaa lagu
raad raacayo camalkii waa ansaxay haddiise
wax kale lagu dheeho, ama aan rasuulkii
lagu raad raaceyn, camalkii waa buray.
Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu
haysatay Makka laga tagoo o lagu biro
xarunta lslaamka ee Mediina, taana waxaa
loola ieeday in qofku ka guuro meeshaa
annu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta
Islaamka si xurriyad ah.
FAA’IDADA XADIISKA:
Wuxuu noo faa’ ideynaya xaadiiskani
arrimaha soo socda:
1. Inaan camalku ansaxeyn niyad
suubban la’aan.
2. In qofka laga abaalmariyo camalka uu
niyad wanaag u falo, shareecadana
waafaqsan’
3. Camalka Alle (sw) aqbalayo inuu yahay
kan isaga dartii loo falay hagar la’aan,
shareecadana waafaqsan.
4. Qofkii camalkii uu falay ee shareecada
waafaqsana ku dara istus-tus ama uga
gogol leh camalka adduunku hel, ama
halagu a mmaano ee magac iyo
maaldoon ah waxaa buraya ajarkiisa oo
Illaahay waxba ka sugi maayo.

No comments:

Post a Comment