Friday 2 October 2015

Alshabaab oo la wareegay caraamar ^galguduud^

Ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab oo saaka galay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa bandow ku soo rogay iyagoo ku amray dadka inaysan ka soo bixin guryaha. Wararka ka imanaya deegaankan ayaa sheegaya in goobaha ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka deegaankaas uu hakad ku yimid iyadoo lagu arkayo ciidamada Alshabaab oo gaaf wareegaya goobaha muhiimka ah ee deegaanka Camaara. Dhowaan ayaa dad shacab ah ku dagaalamay deegaano ka tirsan Camaara iyadoo hore dhowr jeer beelaha degen halkaa ay dad isaga dileen. Sidoo kale Al-shabaab ayaa la wareegay deegaano kale oo ka tirsan Koofurta Gobolka Mudug oo ay ku jirto deegaanka Bacaadweyne. Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin la wareegida Al-shabaab deegaanka Camaara ee Koofurta Gobolka Mudug. Ururka Alshabaab ayaa dhowaan bilaabay dhaqdhaqaaqyo milatari iyagoo la wareegay deegaano kamid ah gobolka Sh/hoose iyo gobolka Hiiraan,

No comments:

Post a Comment