Thursday 8 October 2015

Muxuu Nabiga (N.N.K.H) ugu socday faraha lugihiisa markii la duugayay khaadimkiisa thaclaba.

Muxuu Nabiga (N.N.K.H) ugu socday
faraha lugihiisa markii la duugayay khaadimkiisa thaclaba.
Qiso kaa ooyin doonta! haka daalin!
Thaclaba Alle haka raali noqdee wuxuu ahaa
khaadimka Nabiga, maalin maalmaha ka mid ah
Rasuulka (S.C.W) ayaa arin u diray wuxuuna soo
ag maray guri mid Ansaari ah, wuxuu arkay naag
qubeysanaysa aad ayuuna u fiiriyay, kadibna wuu
cabsaday wuxuuna ka baqay inuu waxyi ku soo
dego Rasuulka (S.C.W) oo loo sheego wuxuu
sameeyay wuxuuna galay buuro ku yaalla Makka
iyo Madiina wuxuuna ku negaaday muddo dhan
Afartan maalin, Jibriil ayaa Nabiga ku soo degay
wuxuuna yiri: Rabbigaa ayaa ku salaamaya,
wuxuuna ku leeyahay nin umaddaada ka mid ah
ayaa ku jiro god ku yaalla buur dhexdeed anniga
ayuuna I magan galay. Nabiga wuxuu ku dhahay
Cumar Bin Khaddaab iyo Salmaan Al-faarisi, Baxa
oo ii keena Thaclaba, markii ay soo laabteen
iyagoo wada ayey ku dhaheen waa kanaa
Rasuulka Allow!
Wuxuu ku dhahay: Maxaad ku maqnayd
Thaclaboow?
Wuxuu yiri: Dembigeyga Rasuulki Alloow
Wuxuu dhahay: Maku tusaa aayad dembigaaga
dhan kaa tireysa?
Wuxuu dhahay: Haa, Rasuulki Alloow
Wuxuu dhahay: ( ﺭﺑﻨﺎ ﺁﺗﻨﺎ ﻓﻲ ﺍﻟﺪﻧﻴﺎ ﺣﺴﻨﺔ ﻭﻓﻲ ﺍﻵﺧﺮﺓ ﺣﺴﻨﺔ
ﻭﻗﻨﺎ ﻋﺬﺍﺏ ﺍﻟﻨﺎﺭ
Wuxuu dhahay: Dembigeyga ayaa ka weyn!
Rasuulka wuxuu dhahay: Maya, kalaamka Alle
ayaa ka weyn, kadibna inuu gurigiisa iska aado
ayuu ku amray, siddeed maalinna Thaclaba lama
arag, Rasuulka wuxuu yiri: Ina keena aan u
tagnee, markuu soo galay rasuulka ayuu Thaclaba
madaxa ka saaray dhagax, laakin isla marki wuu
iska qaaday Thaclaba dhagixi uu Nabiga madaxa
ka saaray!
Wuxuu ku yiri: Maxaad dhagaxa isaga qaaday?
Wuxuu dhahay: dembi ayaa iga buuxo
Rasuulka wuxuu dhahay: Maxaad ka
sheeganeysaa?
Wuxuu dhahay: Sida iney quraansho ku soconeyso
inta u dhexeysa lafaheyga, hilibkeyga iyo
maqaarkeyga!
Wuxuu dhahay: Maxaad tabaneysaa?
Wuxuu dhahay Thaclaba: Dembi dhaafka Rabbigey
Kadibna Jibriil ayaa soo degay oo ku yiri Nabiga:
Yaa Muxammad Rabbiga wuu ku salaamayaa
wuxuuna ku leeyahay haddii adoonkeyga uu iila
imaado in la eg dhulka oo dembi ah waxaan ula
imaanayaa in la eg dhulka oo dembi dhaaf ah,
Nabiga ayaana arinti u sheegay, kadibna aad ayuu
u qeyliyay darteed ayuuna u dhintay! Kadibna
Nabiga wuxuu amray in la dhaqo oo la kafno,
Markii lagu duktay oo duugti laga dhamaaday
ayey saxaabadi dhaheen: Rasuulki Alloow waxaan
ku aragnay adigoo faraha lugaha ku socdo ee
maxaa dhacay!? Wuxuu yiri Rasuulka (S.C.W)
Illaahi xaq igu soo saaray ayaan ku dhaartaye
waan awoodi waayay in aan lugaheyga dhulka
wada dhigo sida ay u badnaayeen Malaa’igta ka
soo qeyb gashay janaazada Thaclaba!
( ﺭﺑﻨﺎ ﺁﺗﻨﺎ ﻓﻲ ﺍﻟﺪﻧﻴﺎ ﺣﺴﻨﺔ ﻭﻓﻲ ﺍﻵﺧﺮﺓ ﺣﺴﻨﺔ ﻭﻗﻨﺎ ﻋﺬﺍﺏ ﺍﻟﻨﺎﺭ
Ha

No comments:

Post a Comment