Sunday 27 September 2015

Shiicadu ma islaam baa?

Shiicadu
ma tahay ummad Islaam ah?Bal aynu eegno
muctaqidaadkooda marka hore.
1. Abuu Bakar Siddiiq oo ahaa labeeyahii godka
kuwehliyey xilligii Hijrada Rasuulka ee dhanka
Madiina iyo rafiiqii nebiga (NNKH), ee maal iyo
nafba garab joogay nebiga (NNKH), ee gabadhiisa
uu qabay nebiga (NNKH), ee uu nebigu (NNKH)
xaggiisa ka yiri "Qofkastaaba wuxuu ii galay waan
u guday illaa Abuu Bakar mooyaane, isagu
abaalkiisu ma gudi karo, kaliya waxaa gudi kara
Allaah. Haddii aan basharka khaliil ka dhigan lahaa,
Abuu Bakar baan Khaliil ka dhigan lahaa, laakiin
saaxiibkiin (Nebiga), waxaa khaliil ka dhigtay
Allaah". Waa ninka uu xaggiisa ka yiri "Xira
albaabada oo dhan albaabka Abuu Bakar
mooyane", waa ninka markii la weydiiyey Rasuulka
(NNKH) dad yaad ugu jeceshahay, uu yiri
"Caa'isha", Ragga baan kuweydiinnay marka la
yirina yiri "Aabbaheed (Abuu Bakar)". Waa ninka uu
nebigu (NNKH) ugu bishaareeyey inuu Jannada geli
doono, bal' ee waa ninka uu nebigu (NNKH), ku yiri
"Waxaan rajaynayaa inaad kamid noqoto kuwa ka
geli doono albaabka Rayaan Jannada". Waa ninkii
uu nebigu (NNKH) amray ee salaadda dadka
tujinayay muddo dhowr iyo toban casho ahayd oo
uu nebigu noolaa balse uu xanuunsanaa, waana
ninka uu nebiga (NNKH), salaadda ku daba xirtay
ee iimaamka u noqday kheyru Khalqillaah. Ninkan
bay gaal ku sheegeen Shiicadu, ninkan bay
yiraahdaan waa malcuun. Haddaba haddaynu
niraahdo dadkani waa Islaam, miyaanay arrintu
noqoneyn in xabiibkeenna wuxuu sheegaya oo
dhan aynu been kasoo qaadno?
Hadday iyagu ku oranayaan naar buu galaa,
nebiguna (NNKH) uu ugu bishaareeyey inuu
Jannada galaya, kee baa run sheeg aan kasoo
qaadnaa iyaga ama nebigeenna suubban (NNKH)?
2. Haddaadan ogeyn waddanka Iraan waxaa
kunoolaan jirey dad badan oo Sunni ah, laakiin
waala dabar gooyey, waxaana maanta looga
dabbaal degaa mowtka ama geerida Cumar bin
Khaddaab Ilaahay haka raalli noqdee, iyadoo gaalkii
weynaa ee Majuusiga dab caabbudka ahaa ee
Cumar bin Khaddaab dileyna waddankaasi looga
yaqaan "Baabaa Al Mukarram", yacni aabbihii
karaameysnaa. Sababtu mataqaan?
Cumar bin Khaddaab wuxuu ahaa amiirkii
waqtigiisa la furtay dhulkaasi Furus, waqtigiisii
ayayna burburtay boqortooyadii Al Maddaa'in iyo
Bahuraasiir ee dhulkaasi Beershiya. Sidaas darteed
waxay Majuustu u arkaan illaa maantana ay Iiraan
u aragtaa inuu Cumar bin Khaddaab cadawgii
kowaad ee Furus uu ahaa.
Cumar bin Khaddaab, waa amiirkii Mu'miniinta ee
labaad, wuxuu dhalay gabadhii uu Rasuulka
(NNKH) qabay ee Xafsa bint Cumar, wuxuuna
nebigu (NNKH) ugu bishaareeyey inuu geli doona
Jannada. Waa ninka uu ku yiri "Hadduu Cumar,
waddo qaado Shaydaankuna (wuu ka leexdaa)
wuxuu qaadaa waddo kale". Waa ninka uu Cali bin
Khaddaab ku tilmaamaya in Quraanka iyo hadalka
Cumar ay iswaafaqi jireen, waa ninka uu nebigu
(NNKH) ugu bishaareeyey gurigiisa Jannada intuu
soo arkay. Ninkaas bay gaallimo ku sheegaan, oo
ay lacnadaan, kuna sheegaan malcuun muteysan
doono naarta Ilaahay, maya ee ay xusaan
geeridiisa ayagoo ku faraxsan, gaalkii dileyna ay u
baxsadeen magac lamacno ah "Aabbihii
Karaameysnaa". Haddaba ummaddaasi ma Muslim
ama Islaam baa?
3. Cuthmaan bin Cafaan, wuxuu ahaa amiirkii
labaad ee Mu'miniinta iyo Khaliifkii saddexaad.
Wuxuu ahaa ninkii uu xaggiisa ka yiri Rasuulka Alle
(NNKH) "Miyaanan (Caa'ishaay!!) ka xishooneyn,
nimay Malaa'iktu ka xishoota (Cuthmaan)"? Waa
ninka uu nebigu (NNKH) u guuriyey labadiisii
gabdhood ee Ruqayah iyo Ummu Kaltuum. Markay
midi kadhimatay buu tii kale u guuriyey. Tii
labaadna markay ka dhimatay wuxuu yiri "Haddii
aan mid saddexaad ay ii joogi lahayd, waan kuu
guurin lahaa". Wuxuu ugu bishaareeyeey inuu
Jannada geli doono. Wuxuu yiri "Yaa inoo iibiya
ceelka Ruumah oo yeelan doono halkii dar
(wadaanba) dar ka kheyr badan oo Jannada
dhexdeeda ah"? Saa Cuthmaan baa kacay oo
iibiyey. Ninkaas fadliga badan bay la lacnadaan
Shiicadu kuna sheegaan inuu yahay malcuun
muteysan doono caro iyo cadaab Alle. Haddaba
kooxdan haddaynu nidhaano waa Islaam, sow
arrinku noqon mahaya inaanu ku xukminno
nebigeenna qiimaha badan inuu yahay beenaale?
4. Asxaabtii nebiga (NNKH) oo ay ku jiraan
Badriyiintii iyo kuwii ka qeyb qaatay heshiiskii
Xudeybiyah iyo Baycadii loo yaqaannay
BAYCATUR- RIDWAAN, bay dhammaan ku
xukmiyaan inay gaalloobeen. Ogow aayada Quraan
ah ayuu Ilaahay soo dejiyey oo uu dhammaan
asxaabtii ka qeyb qaadatay baycadaasi uu uga
raalli noqday. Raggii Baycadaasi ka qeyb galay
waxay tiradoodu ahayd 1400 saxaabi, balse
Shiicadu maanta dhammaantood saxaabadaasi
waxay ku xukmiyaan inay yahiin kufaar, ama kuwa
gaalloobay nebiga (NNKH) ka dib.
5. Caa'isha oo aynu ognahay martabaddii ay ka
joogtay Rasuulka Alle (NNKH), agtiisa, oo uu ku
geeriyooday dhabteeda, gurigeedana lagu aasay,
aadna uu u jeclaa, oo dad dhan uu ayada ugu
jeclaa, sida mar Camar bin Al Caas intuu weydiiyey
Rasuulka (NNKH), Rasuul Alloow (NNKH) dad yaad
ugu jeceshay"? Suu yiri "Caa'isha", markaasuu yiri
"Raggaanu kuweydiinnay"? Markaasuu yiri
"Aabbaheed".
Mar baa duullaankii Muraysiic ama Banii Mustaliq
hadba sidaad u taqaan ay Caa'isha Rasuulka
(NNKH) u raacday, goor habeen ah, baa ayadoo
kortag u baxday ciidamadii oo degen, baa Rasuulku
(NNKH) wuxuu amray in la dhaqaaqo, oo la
guureeyo. Caa'isha inay huuddajkeeda kujirta baala
mooday, dabeetana awrkii baala saaray huuddajkii
oo sidaas bay saxaabadii ku dhaqaaqeen. Caa'isha
kol dambooy meeshii timid, mise waaba cidlo.
Waxay istir, waala soo laaban doonaa markii lagu
tebo, ee iska sug illeen meel mataqaanide. Halkii
bay hurdo la tegtay. Subxadii baa waxaa arkay
saxaabi hurdo weynaa oo hurdo weyni ciidamada
uga hari jiray oo halkaasi ku haray, kaasoo la oran
jiray Safwaan bin Mucaddal. Kadib baa asagoo
yaabban oo subxaanalleysanaya oo leh, waa afadii
Rasuulka Alle (NNKH) buu u keenay awrkiisii.
Dabeetana wuu ka durkay, markay fuushay buu
hoggaanka u qabtay oo ciidamadii ka daba geeyey.
Munaafiqiintii baa arrintaasi ka faa'iideysatay oo
Caa'isha dacaayad u gelisay suuqa. Muddo bil
kadib baa Allaah wuxuu soo dejiyey aayada xiriir ah
oo 11 ka kooban, kuwaasoo ku jira suuradda An
Nuur, uuna ku beriyeelayaa Caa'isha. Aayadahaasi
Caa'isha lagu beriyeelay oo Ilaahay ceebtii kaga
meydhay, Shiicadu mawaanay aaminsanayay?
Illeen waxay iyagu yiraahdaan "Caaisha xumaan
bay maalintii Muraysiic kudhacday". Ma iyagaa run
sheegaya mise Allaah? Dadkani dafirsan 11
aayadood oo kamid ah aayadaha Rabbaaniga ee
Quraanka miyay yahiin Muslimiin?
Waxay aaminsan yahiin inay Caa'isha tahay
gabadhii dishay Rasuulka Alle (NNKH) oo ay
sumeysay, waxaanay agtooda uga yaqaanaan
malcuunad. Qofka qaadanaya mad-habta
Shiiciguna waa inuu marka hore qiraa towxiidka,
iyo wilaayada Cali, dabeetana uu ka beri noqdaa
misna uu lacnadaa labadii Sheikh Abuu Bakar iyo
Cumar, kadibna uu lacnadaa Cuthmaan, Xafsa
(xaaskii nebiga) iyo Caa'isha (xaaskii nebiga).
Markaas baad noqoneysaa Shiici.
6. Shiicadu qofkii ugu horreeyay ee ciqaaba wuxuu
ahaa Cali bin Abii Taalib, waayo, asagoo nool ayay
Ilaahnimo ku sheegeen, markaasuu gubay,
markaasay yiraahdeen "Haddeer uunbaan sii
ogaannay inana inaad tahay Ilaaha dhabta ah,
waayo waxbaadba cadaabaysaa".
7. Shiicadu waxay aamisan yahiin in Quraanka
gacanteenna ku jira uusan dhamaystirneen,
waxayna hayaan Quraan saa'id ah oo loo yaqaan
Musxaf Faatimi, kaasoo ay ku sheegeen inuu yahay
Quraan ay haysay Faatima, oo uu Abuu Bakar
diiday inuu qoro.
8. Dadkii Xuseen bin Cali shirqoolay ee uga baxay
ballanta waxay ahaayeen Shiicadii reer Ciraaq. Ma
ogtahay Shiicadu waxay aad uweyneyaan Xuseen,
in kabadan weyneynta Cali iyo Xasan oo labaduba
ka fadli badan Xuseen? Sababtuna waxay tahay
Xuseen wuxuu qabay gabar ka dhalatay masjuustii
dabka caabbudi jirtay ee Iraan ama Persia. Taasoo
uu dhalay boqorkii xukunka laga tuuray oo la oran
jirey Yazdajrid. Gabadhaasi, waxay u dhashay
Xuseen, wiilkiisa Cali bin Xuseen oo loo yaqaanay
Zaynulcaabbidiin. Haddaba jeceylka afka baarkiisa
ah ee ay sheeganayaan waa been iyo turufo aanan
jirin. Waa kuma midka oran kara Abuu Bakar
Siddiiq baan ka jeclahaa nebiga (NNKH)? Waa
kuma kan oran kara waxaan ka jeclaa Cali iyo
Xasan iyo Xuseen iyo Faatima, iyo dhammaan
aalubeydka? Waa kuma qofka kaga dhowris badan
asxaabta nebiga (NNKH) xagga aalubeydkiisa?
Waa maya, waa cidna.
Shiicadu marka laga reebo qolada la yiraahda
Zaydiyada oo ah firqo aad u yar, inta kale waa dad
ictiqaadsan waxyaabahaasi ka hor imanaya
runnimada iyo xaqa Islaamka.
Qola Zaydiyada la yiraahdo waxay aaminsan yahiin
iyagu in Cali iyo Xasan iyo Xuseenba ay yahiin
macsuumiin (waana dembi), iyo inay ka fadli badan
yahiin dhammaan asxaabta sida Abuu Bakar iyo
Cumar iyo Cuthmaan...
Sidoo kale waxay qoladaasi aaminsan tahay
asxaabtu oo dhan inay yahiin asxaabtii nebiga
(NNKH), oo aanay gaalloobin. Marka Zaydiyada oo
qolo dambaabtay uun ah laakiin xero Islaam ku
jirta mooyaane, inta kale oo ah Ithnaacashariyada
waa kuwa aanan Islaam raad ku lahayn, waana
cadaw ku fikiraya inay tirtiraan jiritaanka qofka
Islaamka ah ee sunniga ah.
Zaydiyada marka loo fiiriya Shiicada kale waa wax
aanan dhamayn 5%, inta kale Shiicadu waa qolo
aanan ku jirin hero diin iyo Islaam. Shiicadu waxay
u kala baxdaa dhowr qeybood. Dowladdii
Faatimiyada ee Shiicadu ay hoggaaminaysay,
waxaa lagu tiriyaa inay tahay mid kamida dhibihii
ugu weynaa ee Islaamka soo gaaray. Dowladdaasi
waxay keentay wax badan oo khuraafaad ah, iyo
inxiraaf diini ah. Ninkii la oran jirey Xaakim bi
Amrillaah ee kamidka ahaa Cubeydiyada, wuxuu
ahaa nin soo maray dowladdaasi, wuxuuna
sheegtay mar inuuba yahay Ilaah. Ninkaas mar buu
amray in lasoo saaro qabriga nebiga (NNKH), oo
Madiina ku aasnaa, laakiin Ilaahay baa duufaan u
diray ragguu u diray halkaasi oo ka dhowray.
Nimankii Maanquulka ama Tataarka la oran jiray,
wixii Muslimiinta u jebiyey waxay ahaayeen qolada
Shiicada ah. Firqada Ismaaciiliyada oo kamid ah
Athnaacashariyada Shiicada ayaa ahayd qoladii
madaxjebinta ku dhamayn jirtay madaxda iyo
shacabka Islaamka, taasoo ay soo adeegsan jireen
dowladihii deriska la ahaa Islaamka.
Shiicadu waxay aaminsan tahay in Xaramaynka
Makkah iyo Madiinah ay haystaan niman aanan
Islaam ahayn, oo ay ku sheegeen Sunniyiinta.
Waxaanay rumeysan yahiin in maalin maalmaha
kamid ah ay ka xorreyn doonaan oo ay furan
doonaan Xaramka Makkah iyo kan Madiinah.
Xukuumadda Iiraan calaaqaadka ay la leedahay
dowladaha Khaliijka waa mid aad u xun, siiba
waqtigii AxmeddiNajat aad buu u sii xumaaday
xidhiidhkii u dhexeeyay. Jawaasiis ayaa maalin
kasta lagu qaban jiray Dubai iyo Riyadh, kuwaasoo
ah niman mukhaabaraad Iiraaniyiin ah. Kaliya
waxay intaasi raadinayaan sidii ay ku qabsan
lahaayeen ama ay khalkhal ku gelin lahaayeen
dhulka xurmeysan.
Toddobaatameeyadii ninkii Mahdiga sheegtay ee
Shiicada ay soo hubeysay iyo taariikhdii ka
dhacday Kacbada waa mid qoron oo laga qisooda
tan iyo maanta.
Dhibaatada ay Suuriya ku haysa Shiicadu iyo
burburinta dhulkii barakaysnaa ee Shaam iyo
taariikhdiisa waa mid aanan indhaha kaqarsooneyn.
Immika boqolkiiba 15 (15%) Muslimiinta dunida
ayaa ah inta lagu qayaasa qolada Shiicada, laakiin
way sii kordayaan, iyagoo adeegsanaya
warbaahinta iyo gargaarka ay gaarsiinayaan dadka
ducful iimaanka uu haya. Waddamada Jordan iyo
Filastiin iyo qeybo kamida Yemen, iyo Afghaan,
Baakistaan, Soomaaliya iyo waddama badan oo
kale ayay ka socotaa Tashayyuca lagu samaynaya
umadda Sunniyiinta ah. Waddanka Iiraan waxaa ku
noolaan jiray Sunniyiin tira badan oo dhashii ama
farcankii saxaabada ahaa, laakiin maanta waalaga
dabar gooyey oo Sunni waddankaasi aad buu ugu
yaryahay.
Shiicada waa niman madax adag, oo u arka
cadawgooda koowaad inuu yahay ninka sheegta
Sunni inuu yahay. Waxay aaminsan yahiin qofka
Shiiciga ah inuu ka fadli badan yahay nebiyadii
hore oo dhan. Qofka Shiiciga ah hadduu
geeriyooda, xataa haddii uu ku geeriyooda
firaashkiisa, waxay aaminsan yahiin inuu yahay
Shahiid, uuna geli doono Jannadiisa. Jannadu ma
gelaya qof aanan Shiici ahayn ayay qabaan. Qof
kasta oo Sunni ah wuxuu geli doonaa naarta ayay
aaminsan yahiin. Dhammaan waxani waa waxa ku
qoran kutubbadooda waaweyn ee maraajiicda u ah
(qofkii aqriyaa aqriyaye). Iiraan waxay dhalineysaa
Nukleer, uu reer galbeedku kasoo horjeedo.
Nukleerkaasi ay Iiraan dhalineyso wuxuu dhibaato
ku hayaa umadda Islaamka ee ku abtirsata
Sunnada nebiga (NNKH), waayo halka ay ka
billaabi doonto waa dhulalka Carbeed gaar ahaan
Xaramka, oo ay ciil iyo colaad weyn u qabta dadka
degen.
Waxaan daawanayay maalin dood dhex maraysay
Allaha xifdiyee sheekha reer Suuriya ee Sunniga ee
la yiraahda Sheikh Dr Cadnaan Al Carcuur, iyo
wadaad Shiici ah. Sheikh Al Carcuur baa weydiiyey
wadaadkii Shiiciga ahaa "Ka warran Yuhuud iyo
Nasaaro"? Wuxuu wadaadkii yiri "Waa dad ahlu diin
ah, oo lunsan, Ilaahayna wuu u dembi dhaafi
doonaa, maadama ay yahiin ahlu diin, wuxuuna
gelin doonaa Jannadiisa". Sheikh Al Carcuur baa
markaasi meel dhaw uga soo dusiyey oo yiri "Bal
ka warran, Caa'isha, xaaskii nebiga Alle (NNKH),
iyadu ma naar bay ku jirtaa mise Janno"? Wuxuu
wadaadkii yiri "Anigu la ima weydiiyo furaha
Jannada, mahayo furaha Jannada oo ma gelin kara
Caa'isha markaas". Sheikh Al Carcuur baa inta
qoslay istaagay asagoo labadiisa gacmood isku
garaacaya oo cod dheer ku leh "Muslimiintiiyeey
ma ujeeddaan!!, ma ujeeddaan xiqdiga ay Shiico u
qaadday xaaskii nebiga, heer ay yiraahdaan furaha
Jannada ma hayno, iyagoo oranay Yahuud iyo
Nasaaro waa ahlu diin Jannadayna gelayaan"?
Al Muhiim, ulajeeddadu waxay tahay qolada
Wahaabiyada waa Ahlu Sunnah wal Jamaacah,
waana firqa ku taagan kitaabka iyo Sunnada.
Immaa arrimahan Jihaadiga iyo waxyaabaha
dunida ka dhacay, Allaa naga og quluubtooda,
kuwii xukun ku raadiya iyo kuwii ay dar Alle ka
tahayba, laakiin waa qolo haddii Shiico lala mitaal
dhigo ay uun dembi karaaceyso ciddii la miitaal
dhigto. Allaha inawaafajiya Xaqa iyo towfiiqda.WQ:
Mohammed Tahir AbdiEmail: mohamed1@live.fi

No comments:

Post a Comment