Sunday 27 September 2015

Iiraan oo dagaal afka ah ku heeysa sacuudiga

Boqortooyada Sucuudiga ayaa markale beenisay eedaha ka soo yeeray Iiran ee ah inay gudashada
xajka ay si qalad ah u maareeyeen.
Arrintan ayaa dababa socota dhimashada 760 qof oo ku dhimatay ciriiriga Jamaratka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga, Cadel al- Jubeyr, waxa uu Iiraan ku eedeeyay in siyaasad ay u badaleen musiibada ay ku dhinteen dad
gudanaayay waajibaadka xajka.

Hogaamiyayaasha Iiraan ayaa iska dhigaya kuwa ka careysan dhibaatada, waxayna Sucuudiga ku
eedeeyeen maamul xumo. Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxani ayaa
khudbadiisa Qaramada Midoobeey u adeegsada inuu sii xoojiyo weerarka afka ah ee dalkiisa uu ku
hayo boqortooyada Sucuudiga.

Mr Ruuxani waxa uu sheegay in Iiraan ay dooneyso in la baaro waxa sababay musiibada ay ku
dhinteen qaar ka mid ah xujeyda.

Labadii maalin ee la soo dhaafay, hogaamiyayaasha Iiraan waxa ay ku celcelinayeen
inay ka xanaaqsan yihiin dhacdada oo ay ku dhinteen ugu yaraan 130 Iiraan u dhashay.
Hogaamiyaha dhanka diinta ugu sareeya Sucuudiga, Mufti Sheekh Cabdul Caziz bin-
Cabdullah al-Sheekh, waxa uu sheegay in wixii ka dhacay Jamaratka ay ahayd arrin ka baxsan waxa
uu bini aadamka maamulo. Bbcsomlia

No comments:

Post a Comment