Wednesday 13 April 2016

Dib u dhaca nolosha maxaa sababay?


Waa sheeko la yaab leh waa horumar soo daahay waa dowlad soo xumaatay iyo xaaraan lagu bahoobay xukum la dooriya xaaakim jaahil ah iyo culima tagriibray.

Horumar soo daahay.
Goortii soomaaliya noqotay dal aan kala damveyn ka muuqan waxaa durbadiiba  bilaaeday kor u qaadista diinta waloow dadku ay fikir mayal adag qaateen hadana ma jirin cid hogaamisa Culimada islaamka ee soomaalida.
Dagaalkii diimeed dhex maray Suufi iyo wahaabi wuxuu sababay dhimasho kumaanaan qof soomaali shacabka.

Dowlad soo xumaatay.
Dowlad soomaali ah oo laga filanayay in ay noqoto mid ka taya sareeysa tii siyaad  soona celisa walaalaha kilinka shanaad iyo enefdi waxeey noqotay caada qaate dalka soo galiya shisheeye gaar ahaan itoobiyaankii xamar yimid.

Xaaraam lagu bahoobay.
Goortii dowladi soyaad xamar laga saaray waxaa la bililiqeeystay dhamaan xoolihii dowlada waxaana la dilay dad wax galabsan habaar qabihii Ceeydiid wuxui xamar ka bilaabay la dagaalanka dadyow aan wax galabsan dhac,boob iyo kufsi loo geeusto ummad islaam soomaali shacabka.

Xukun la dooriyay
Goortii soomaaliya ay dhisatay dowlad ku meel gaar ah waxaa lagu la taliyay in au dastuur isku maamulaan kana tanaaZulaan kitaabka alle arinka wuxuu sababay in dalka ay xukumaan jaahiliin aan diinba sal iyo raad ku laheyn.

Xaakim jaahil ah
Maxkamadda sare ee cadaalada waxaa go'aan ka gaari jiray kuwa fikirkooda wax ku maamulayay taa oo iyana sababtay cara alle.

Culima tahriibtay
Qolyihiin wahaabiyada soomaaliya waxeey bilaabeen dil joogta ah oo ay u geeysanayaan Culimadii soomaalida iyo aqoon yahannadii waxeey sababtay in ay dalka ka haajiraan suufiyadii diinta daacadda ka aheyn qoxootina ayvka noqdaan itoobiya iyo kenya.
Dagaalku halkaa kuma joogsane qolya kale oo wahaabiyada arimaha dibada qaabilsan ayaa dagaal afka ah la gashay suufiyadii tahriibtay.

Intaas oo dhan waxeey sababtay dib u dhaca ku yimid soomaaliya.

<h1>waxaan alle ka baryeeynaa dowlad caadil ah</>

No comments:

Post a Comment