Sunday 2 August 2015

Wariye ayuu u doodayaa war xuma tashiilka caadeeystay walaalihii markana waana la xasuuqay

Wasiirka war faafinta dowlada waqtigeedda sii dhamaanaya ayaa cambaareeyay xariga loo geeystay wariyaal lacag ku raadsada dacaayad ay ka fidiyaan ummad colaadi dhex taal.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay ahlusunna kuwa la baxay in ay sii daayaan wariyaasha u xiran balse muusa  ka hadlin walaalaha reer marka ee xasuuqa loo geeystay.

Amisom oo gumaad ku heeysa shacabka soomaalida ayaan jirin cid ka hadasha kufsiga iyo dilka jogtada ah ee ay u geeystaan soomaalida maatada ah ee ku nool koonfur soomaaliya.

Nin la xiray xabsi ku jira xaalkiisa ma xumee nin xabaala loo diray xila iyo xera caruur ah ka tagay xushmad darro xabad loogu xarshaashay miyeey ka xaq hooseeyaan xariga wariyaal xumaan fidiyaal ah

Waxeey ila tahau wasiirka in lacag la siiyay si uu uga hadlo wariyaasha la xiray.

Mise wuxuu moodaa warfaafintu in ay tahay o kaliya in uu ka hadlo wariyaal qura.

Saturday 1 August 2015

Qabiil dahan qolya qaldan qaran dunsan qarash hoos yaal

Waa sheeka aan la yaabay toloow idin kuna miyaad la yaabteen.

Cabdi wali gaas qabiil dahan ayuu qarankii ku asqeeyay.

Axmad madoobe qolya qaldan ayuu daba qabtay asagoo raacaya wada dhalasha dambe.

Xasan oo doonaya in loo aqoonsado madaxweeyne qaran ayaa ka biya diiday qaabka ay u rabaan gaas iyo axmad madoobe oo qabyaaladu dilatay.

Reerka ka soo jeeda goballada dhexe ahna qolyaha talada wadanka haya ayaa iyana noqday qaran dunis in kastoo ay jiraan rag iska celi.

Waxaa iyana meesha ku jira wadamada dariska oo shidaal ku shubaya arimaha soomaaliya gaar ahaan itoobiya iyo keenya ayaa qarash ku bixinaya kala geeynta ummada soomaalida ah ee walaalaha ah ayagoo ka faaiideeusanaya kuwa islaamnimada ka been shagaya kuna dhaqmaya dastuur alle looga fogaanayo.

Si kastaba ha noqotee xalka soomaaaliyaa waa kitaabka alle uun.